FAA'IIDOOINKA SALAADU LEEDAHAY
salaadu waa rukniga labaad ee islaamka waa cibaadada joogtada ah ee maalin walbo qof kasta oo muslim ah looga baahanyahay inuu joogteeyo 5 jeer salaadu waa hagaajiyaha habdhaqanka bini aadamka iyo ku jiheeyaha suluuga wanaagsan. salaadu waxa ey leedahay faaaidooyin fara badan hadaba eynu eegno:1, WAXA EY SOO JIIDAA FARXADDA IYO XASILOONIDA QALBIGA.
Marka eynu eegno nolosha aadanaha ee ka sameysan kadeeedka iyo welwelka joogtada ah, salaadu waxa ey xambaarsantahay adkaarta alle nuucyadooda kala duwan, oo ku dheehan dhadhano kala duwan marka loo eego sida ruucdo ula falgasho xuska alle sida alle ku tilmaamay quraanka ruuxda bini'aadamka waxa ey ka timiday allah dhankiisa, hadaba ruuxdu waxa ey quud ahaan u isticmaashaa xuska alle sw wxa ey dareentaa deganaan iyo raaxo, hadaba salaadu waxa ey qofka muslimka ah u hibeysaa farxad joogto ah. waxa uu qofku ka bogsadaa welwelka iyo kadeedka uu kala ulmo halganka nolosha isaga oo is dareensiiya inuu waqti kooban sii jiri doono marwalbo oo uu qofku salaada jamaacada u soo boxo waxa uu helaa caafimaad maskaxeed waxa uu ku qaataa salaada firfircooni iyo xamaasad salaadu waxa ey qofka ku beereysaa xasilooni saameeya dhamaan jirkiisa iyo ruuxdiisa
2, WAXA EY KAA REEBEYSAA XUMAHA IYO MUNKARKA.
Salaadu waxa ey ku hagtaa qofka muslimka ah habdhaqanka wanaagsan, waxa ey kugu ilaalisaa fidrada wanaagsan ee aadanaha . qofku marka uu maalin walbo 5 jeer si hufan ugu kalaho masaaajidka una tukado 5ta salaadood waxa uu qaataa shahaado sharafeed dadku waxa ey uga marqaati kacaan wanaagiisa iyo akhlaaqdiisa, qofku waxa uu joogteeyaa habdhaqanada wanaagsan iyo akhlaaqda waxa uu noqdaa qof ka caagan goobaha anshaxa lidka ku ah