l Inaad ogaato in qof ku jecelyahay oo uu xiiso kuu qabo ama aanu ku xiiseyneyn hadaba halkan waxaan kuugu soo bandhigayaa toban calaamadood oo si sax ah kugu cadeynaya in qofka aad lasocoto uu xiiso kuu qabo iyo in kale si aad naftaada uga badbaadiso:--
10 calaamadood oo lagu garto in qofka aad jeceshahay aanu wax xiiso ah kuu hayn.
=================================================
Si aad u xaqiiqsato in qof ku xiiseyo iyo in kale waa in aadan ku qiimey hal calaamad ama labo calaamadood oo aad ku aragto waa in aad aruursataa calaamado badan si aad go’aan uga qaadato qofkaas.
1: QOFKA OO HAMAAMSADA WAXBADAN MARKA AAD LA JOOGTO.
Dadku waxaay hamaamsadaan mar xadi yar oo ogsajiin ah aay gaarto maskaxda tana waxaa sababa marka uu qofku wax ka xiisa dhaco hadii qofka aad la joogto uu hamaamsado wax kabadan hal mar ogow in aanu qofkaasi xiiseyney la joogistaada.
2: JAWAABO GAAGAABAN OO JOOGTO AH.
Dadku waxay soo koobaan jawabahooda marka aay mashquulsanyihiin hadii aad aragto qofkoo jawaabta kuu gaabinaya ogow inaanu qofkaasi rabin inuu kula sii hadlo taasina eey muu jineyso in xiisihii meesha kabaxay.
3: QOFKA OO AAN SU’AALO KU WEYDIIN.
BADANAA QOFKU WUXUU QO KALE SU’AALO WEYDIIYAA MARKA UU RABO INUU WAX BADAN KA OGAADO AADNA U XIISEYNAYO HADII AANU QOFKU WAX XIISO AH KUU HAYN ISKU DHIBI MAAYO INUU SU’AALO KU WEYDIIYO
4: QOFKOO DHOOWRKII CISHA MAR KULA SOO XARIIRA.
Qof marka uu qof xiiseynayo wuxuu jecelyahay inuu mar walba lasoo xariiro mar hadii aad aragto qofka oo mudo hal isbuuc ah hal mar kusoo xariirinaya ogow waxaa jirta suurta galnimo weyn oo ah inuusan qofkaasi wax xiiso ah kuu hayn.
5: QOFKA OON KU DADAALIN IS ARAGIINA.
Hadii aad aragto qofka oo aan waqti ku bixineyn ama aan ku dadaleyn is aragiina tani waa calaamad cad oo ku tusineysa inaanu wax ah miyad ah kaa lahayn qofkaasi.
6: QOFKA OO AAN KU TUSEYN TAYOOYINKIISA WANAAGSAN.
Tani waa calaamad weyn oo ku tuseysa inaanu wax ahmiyad ah kuu hay. Marka ugu horeysa oo aad qof isbarataan wuxuu ku tusi donaa tayooyinkiisa wanaagsan waxaanu iska baari doonaa wanaag fara badan balse hadii aad aragto qofkoo aadan uga duwaneyn dadka kale ee caadiga ah ogow iney jirto suurtagalnimo weyn oo ah inaanu wax ahmiyad ah kuu haayn qofkaasi.
7: QOFKA OO MARMAR MUUJINAYA INUU KU XIISEEYNAYO HADANA DIB LOO WAAYO.
Qofka oo muu jinaya inuu ku xiiseynayo hadana aan dib loo arkin waxaa jirta suurta galnimo weyn oo ah in aanu wax xiiso ah kuu hayn isla markaana aanu ku jeclayn.
8: QOFKA OO AAN KUUSOO JAWAABIN MARKA AAD ONLINE KULA HADLEYSO.
Hadii aad wax jawaab ah ka weyso qofka wax hal mar kabadan marka aad online kula hadleyso ogow waxaa jirta suurta galnimo weyn oo ah in aanu wax xiiso ah kuu hayn qofkaasi.
9: QOFKA OO SI FIICAN KUULA HADLA MARKAAD LA XIRIIRTO BALSE AAN KU SOO XIRIIRIN.
Hadii qofku si fiican kuula hadlo marka aad soo xariiriso balse uusan dib kuugu soo laaban taasi macnaheedu waxaa waaye inaanu qofkaasi wax xiiso ah kuu.
10: QOFKA OO AAN DHIB U ARKIN IN DADKA KALE EE UU KAHELO UU KAAGA SHEEKEEYO.
Hadii wiilka/gabadha aad la socotaa uusan wax dhib ah u arkin in uu kaaga sheekeeyo gabadha/wiilka uu/ eey la socoto tani waa calaamad cad oo muu jineysa inaanu qofkaasi wax xiiso ah kuu hayn.