Friday, June 23, 2017

الاسلام والحكمة

كلام حكماء .قمة الادب الاسلامى
ﺛﻼﺛﺔ ﻻ ﺗﺄﺧﺬﻫﻦ ﺣﺘﻰ ﺗﺴﺄﻝ ﻋﻨﻬﻦ :
ﺍﻟﻌﺴﻞ ، ﻭ ﺍﻟﺪﻳﻦُ ، ﻭ ﺍﻟﺰﻭﺟﺔ .
◘ ﻭ ﺛﻼﺛﺔ ﻻ ﺗﺮﺗﺎﺡ ﺣﺘﻰ ﻳﻐﺎﺩﺭﻭﻧﻚ :
ﺍﻟﻮﺳﻮﺳﺔ ، ﻭ ﺍﻟﺪﻳْﻦ ، ﻭ ﺭﻓﻴﻖ ﺍﻟﺴﻮﺀ .
◘ ﻭ ﺛﻼﺛﺔ ﺇﺫﺍ ﺃﺑﻄﺄﻥ ﺫﻫﺒﺖ ﻓﺎﺋﺪﺗﻬﻦ :
ﺍﻟﻮﻟﻴﻤﺔ ، ﻭ ﺍﻟﺘﻌﺰﻳﺔ ، ﻭ ﺻﻼﺓ ﺍﻟﻤﻐﺮﺏ .
◘ ﻭ ﺛﻼﺛﺔ ﺃﺟﺎﺭﻙ ﺍﻟﻠﻪ ﻣﻨﻬﻢ :
ﺍﺑﻦ ﺍﻟﺤﺮﺍﻡ ، ﻭ ﻗﺎﻃﻊ ﺍﻷﺭﺣﺎﻡ ، ﻭ ﺁﻛﻞ ﺭﺯﻕ ﺍﻷﻳﺘﺎﻡ .
◘ ﻭ ﺛﻼﺛﺔ ﺇﻳﺎﻙ ﻭ ﺻﺤﺒﺘﻬﻢ :
ﺍﻷﺣﻤﻖ ، ﻭ ﻗﻠﻴﻞ ﺍﻟﻬﻤﺔ ، ﻭ ﻗﻠﻴﻞ ﺍﻟﻤﺮﻭﺀﺓ .
◘ ﻭ ﺛﻼﺛﺔ ﻻ ﺗﺴﺘﻤﻊ ﺇﻟﻴﻬﻢ :
ﺍﻟﻜﺬﺍﺏ ، ﻭ ﺍﻟﻨﻤّﺎﻡ ، ﻭ ﺷﺎﻫﺪ ﺍﻟﺰﻭﺭ .
◘ ﻭ ﺛﻼﺛﺔ ﻻ ﺗﺼﺎﺣّﺒﻬﻢ :
ﺍﻟﺤﺴﻮﺩ ، ﻭ ﺻﺎﺣﺐ ﺍﻟﻌﻴﻦ ، ﻭ ﻏﺎﺿﺐ ﺍﻟﻮﺍﻟﺪﻳﻦ .
◘ ﻭ ﺛﻼﺛﺔ ﻻ ﺗﻔُﺘْﻚ ﺁﺭﺍﺋﻬﻢ :
ﺍﻟﻤﺤﺎﻓﻆ ﻋﻠﻰ ﺻﻼﺗﻪ ، ﻭ ﺍﻟﺠﻮّﺍﺩ ﺍﻟﻜﺮﻳﻢ ، ﻭ ﺭﺍﺿﻰ ﺍﻟﻮﺍﻟﺪﻳﻦ .
◘ ﻻ ﺗﺴﺄﻝ ﺍﻟﻴﺘﻴﻢ :
ﻛﻴﻒ ﻣﺎﺕ ﺍﺑﻮﻙ ﺍﻭ ﺍﻣﻚ ؟
◘ ﻭﻻ ﺗﺴﺄﻝ ﺍﻟﻮﺍﻟﺪﻳﻦ :
ﻛﻴﻒ ﻣﺎﺕ ﺍﺑﻨﻜﻤﺎ ؟
◘ ﻭﻻﺗﺴﺄﻝ ﺍﻟﺮﺟﻞ ﺍﻟﻌﺎﻃﻞ ، ﻓﻲ ﻣﺠﻠﺲ ﺭﺟﺎﻝ :
ﺍﻧﺖ ﻟﻴﺶ ﻣﺎ ﺗﺸﺘﻐﻞ ؟
◘ ﻭﻻ ﺗﺴﺄﻝ ﺍﻟﻔﻘﻴﺮ :
ﻫﻞ ﺗﺮﻳﺪ ﻧﻘﻮﺩ ؟ ﺑﻞ ﺃﻋﻄﻪ ﻣﻦ ﺩﻭﻥ ﺳﺆﺍﻝ ، ﻓﻬﺬﺍ ﻓﻴﻪ ﺍﻛﺮﺍﻡ ﻟﻌﺰﺓ ﻧﻔﺴﻪ ﺧﺼﻮﺻﺎً ﺍﻧﻪ ﺳﻮﻑ ﻳﻘﺎﺑﻠﻚ ﺑﻴﻦ ﺍﻟﺤﻴﻦ ﻭﺍﻵﺧﺮ .
◘ ﻭﻻ ﺗﺴﺄﻝ ﻣﻦ ﻓﻲ ﻭﺟﻬﻪ ﻧﺪﺑﺔ ﺃﻭ ﻋﻼﻣﺔ : ﻋﻦ ﺳﺒﺒﻬﺎ ! ﻓﺎﻟﻮﺟﻪ ﻣﻮﺿﻊ ﺍﻟﻌﺰﺓ ، ﻭﻻ ﻋﻠﻢ ﻟﺪﻳﻚ ﻋﻦ ﻛﻮﻧﻪ ﻣﺎﺯﺍﻝ ، ﻳﺤﺎﻭﻝ ﺇﺧﻔﺎﺅﻫﺎ ﻭﻟﻜﻦ ﺩﻭﻥ ﺟﺪﻭﻯ .
◘ ﻭﻻ ﺗﺴﺄﻝ ﺍﻟﻀﻴﻒ :
ﻫﻞ ﺗﺮﻳﺪ ﺷﻴﺌﺎً ﻣﻦ ﺷﺮﺍﺏ ﺍﻭ ﻃﻌﺎﻡ ؟ ﻗﺪﻡ ﺿﻴﺎﻓﺘﻚ ﺩﻭﻥ ﺳﺆﺍﻝ ، ﻓﺈﻥ ﺳﺄﻟﺘﻪ ﻓﺈﻧﻚ ﺑﺬﻟﻚ ﺗﺤﺮﻣﻪ .
◘ ﻭﻻ ﺗﺤﺎﻭﻝ ! ﺍﻷﺳﺘﻬﺰﺍﺀ ﺑﺼﺪﻳﻖ ﻷﺟﻞ ﺇﺿﺤﺎﻙ ﺍﻻﺧﺮﻳﻦ ﻣﻬﻤﺎ ﻛﺎﻧﺖ ﺍﻷﺣﻮﺍﻝ ، ﻷﻥ ﻫﺬﺍ ﻳﻜﻮﻥ ﻣﺆﻟﻢ ﺟﺪﺍً ﻋﻨﺪ ﺍﻟﺼﺪﻳﻖ ..
ﺩﺍﺋﻤﺎً ﺿﻊ ﻧﻔﺴﻚ ﻣﻜﺎﻥ ﺍﻟﻤﺘﻠﻘﻲ ﻭﺣﺎﻭﻝ ﺃﻥ ﺗﻌﻴﺶ ﺇﺣﺴﺎﺳﻪ ̵̵♡ !
ﮔﻼﻡ ﻻﻳﻔﻬﻤﮧ ﺍﻻ ﺍﻟﻌﻘﻼﺀ :
ﺍﻟﻤﺮﺽ ﻧﺼﻴﺐ ﻭﺍﻟﻌﻼﺝ ﻗﺮﺍﺭ ﻭﺍﻟﺰﻭﺍﺝ ﻧﺼﻴﺐ ﻭﺍﻟﻄﻼﻕ ﻗﺮﺍﺭ ﻭﻭﺟﻮﺩ ﺃﺷﺨﺎﺹ ﺑﺤﻴﺎﺗﻜﻚ ﻧﺼﻴﺐ ﻭﺍﻷﺣﺘﻔﺎﻅ ﺑﻬﻢ ﻗﺮﺍﺭ ..
ﻓﺈﻥ ﻟﻢ ﺗﻜﻦ ﺗﻤﺘﻠﻜﻚ ﺍﻟﻨﺼﻴﺐ ﻓﺄﻧﺖ ﺗﻤﺘﻠﻜﻚ ﺍﻟﻘﺮﺍﺭ ...فضلا وليس أمرا اذا اتممت القراءة اكتب اسم من أسماء الله الحسنى لتكون في ميزان حسناتك
متابعه للصفحه لضمان وصول منشوراتي إليكم كامله ا

Thursday, June 15, 2017

sheekooyin qosol leh iyo Yahya Amir

1-Xuseen Shibis ayaa la yiri: maad laba xaas Guursatid? Wuxuu yiri:  Maya. Walaalkeey iyo labadisa xaas oo TV wada daawanaya  ayaa waxa uu ubaahday Koob biyo ah, xaaskii yareed  ayuu u dirsaday isaga oo ixtiraamaya xaaska waeyn. Tii waynayd ayaa ku tiri:  anagoo dhan waan naqaana sida biyaha loo keeno, laakin iyada ayaad rabta in wax  gacanteeda  laguugu keenay aad  cabto, welibana   qaabka ay u sii soconeyso aad  sii daawato, waxaa tahay Duli.

Isaga oo yaaban ayaa tii yareyd biyihii u keentay kuna tiri:  Haye, anaad iska keey fogeeyneeyseen ee sirtiini ma dhameysateen, waxkasta waan ogahay, waxaadna tahay Duli.

Wuxuu ku yiri: war saa ma ahan, labadiinu waad ii simantihiin, arrinkiinana dhaxdhaxaad ayaan ka ahay. Xaaskii weyneed ayaa ku tiri: war ma Sucuudi iyo Qadar ayaad noo maleysay. Taa socon meeysee dhinac u bado.

2-Nin aanan weligiis Salaad tukan, ayaa saaxiibadii ku dhaheen:  Ilaahey Ka Baq oo Inta adan Dhiman Tuko. Maalintii dambe Sijaayad ama Salli uu ku tukado ayuu soo gatay  saaxiibadii ayaa ku yiri:   Masjidka ayaa Kuu Ajir badan  Ee Aad.

Masjidkii Markuu Tegay Ayuu  ku arkay Jamaaca Tabliiq ah oo Masjidka Dhex Jiijifaan, Qaanar Dhar Dhaqanayan, Qaarna kalena Cunta Karsanayan.Waa Iska Soo Laabtay. Waxaa la weeydiiyay maxaad u soo laabatay?. Wuxuu yiri: waxaan tagay  Masjidkii oo rag  iskaabolo ah  Laga Kireeyay.

(Weli ma tagtay Airporka Adan Cade. Dukaanta ku teedsan yaa laga kireeyay? Ma ogi).

3 – nin ayaa waxa uu ku dhacay xarunta Bangiga Dahabshiil ee K4 horteeda, dadkii meesha ka dhawaa ayaa ku soo xoomay si ay u badbaadiyaan.Nin dadweeynaha ka mid ahaa ayaa yiri: war dhinaca dabeeysha u baneeya oo biya keena kuna rusheeya.

Ninkii meesha ku dhacay ayaa indhaha kala furay oo ku yiri: war ma nacas baad tahay , car biyo igu shub. Haddii aan u baahanahay in biyo la igu rusheeyo, waxaan ku hor dhici lahaa warshadda  CAAFI ee biyaha nadiifisa. Laakin haddiiba aan Dahabshiil ku hor dhacay, maad dhahdiid war ninka lacag ku rusheeya..

( Diaspora, Villa Somaliya ku hor suuxay maxaa lagu rusheeynayaa?)

4- laba saaxib oo muddo kala maqnaa ayaa waddada  ku kulmay. Mid ayaa yiri: saaxiiboow  Aabahaa ka waran? Intii aan loo jawaabin ayuu xasuustay in saaxiibkan Aabihii mar hore dhintay , waa naxay wuxuu is yiri u bedel  sheekada. Markaa ayuu ku yiri: saaxiiboow,  Aabe weli xabaashii miyuu ku jiraa?  kii kale ayaa gartay , in saaxiibkii ayaa ku yiri:  Maya saaxiiboow aabe waxa uu u guuay  qabri kale oo  u dhaw.

( Dadku waa wada maahsanyihiin ee hala yaabin, haddii aad aragto mid ku leh waxaan arkay,Mayto qabri kira ah raadinee, mid isla hadlayo kaligii  oo leh: waa in DP world dekadaha lagu wareejiyo, mid leh waa inoo anniga iyo mareeykanka haddaanan darsi siin oona tabartooda tusin, hala yaabin dadku ayaantaan si fiican ayeey u shaqeyeen laakin mushaar lama qaadan, kiro iyo biilna waa la iska rabaa).

5- Naag ayaa waxa ey website ku  qortay:  waxaan u baahanahay nin aan i tumeeyn, iga tageyn, sariirtana igu qanci karo. Telefona  badan ayaa laga soo wacay ,laakin maalin dambe  ayaa irida la soo garaacay. waa furtay waxa ay aragtay nin labada gacmood iyo labada lugood ka go’an.

Waxa uuna ku yiri:  ninkaad raadineeysay waa aniga, kuma tumi karo, kaamana tagi karo waad ii jeedaa ee i  guurso. waxa ay tiri: waan u jedaa laakain sariirta in aad igu qanci karto maxaa ii cadeeynaa. Wuxuu ku yiri:  oo haddaba irida maxaan ku soo garaacay. kkkkkkkkk

(Wiligii isgool ma dhigan, wiligii xafiis doowlo kama shaqeyn, wiligii tababar ciidan ma qaadan.laakin garaadaha iyo xilka ayuu nagu qancin karaa. Maxaa curyaan aqooneed, mid khibradeed iyo mid bulshaba xil noo qabteen, Ha weeydiin siduu xilka ku qabtay ama janaraal ku noqday).

Qore: Yahya Amir