1-Xuseen Shibis ayaa la yiri: maad laba xaas Guursatid? Wuxuu yiri: Maya. Walaalkeey iyo labadisa xaas oo TV wada daawanaya ayaa waxa uu ubaahday Koob biyo ah, xaaskii yareed ayuu u dirsaday isaga oo ixtiraamaya xaaska waeyn. Tii waynayd ayaa ku tiri: anagoo dhan waan naqaana sida biyaha loo keeno, laakin iyada ayaad rabta in wax gacanteeda laguugu keenay aad cabto, welibana qaabka ay u sii soconeyso aad sii daawato, waxaa tahay Duli.
Isaga oo yaaban ayaa tii yareyd biyihii u keentay kuna tiri: Haye, anaad iska keey fogeeyneeyseen ee sirtiini ma dhameysateen, waxkasta waan ogahay, waxaadna tahay Duli.
Wuxuu ku yiri: war saa ma ahan, labadiinu waad ii simantihiin, arrinkiinana dhaxdhaxaad ayaan ka ahay. Xaaskii weyneed ayaa ku tiri: war ma Sucuudi iyo Qadar ayaad noo maleysay. Taa socon meeysee dhinac u bado.
2-Nin aanan weligiis Salaad tukan, ayaa saaxiibadii ku dhaheen: Ilaahey Ka Baq oo Inta adan Dhiman Tuko. Maalintii dambe Sijaayad ama Salli uu ku tukado ayuu soo gatay saaxiibadii ayaa ku yiri: Masjidka ayaa Kuu Ajir badan Ee Aad.
Masjidkii Markuu Tegay Ayuu ku arkay Jamaaca Tabliiq ah oo Masjidka Dhex Jiijifaan, Qaanar Dhar Dhaqanayan, Qaarna kalena Cunta Karsanayan.Waa Iska Soo Laabtay. Waxaa la weeydiiyay maxaad u soo laabatay?. Wuxuu yiri: waxaan tagay Masjidkii oo rag iskaabolo ah Laga Kireeyay.
(Weli ma tagtay Airporka Adan Cade. Dukaanta ku teedsan yaa laga kireeyay? Ma ogi).
3 – nin ayaa waxa uu ku dhacay xarunta Bangiga Dahabshiil ee K4 horteeda, dadkii meesha ka dhawaa ayaa ku soo xoomay si ay u badbaadiyaan.Nin dadweeynaha ka mid ahaa ayaa yiri: war dhinaca dabeeysha u baneeya oo biya keena kuna rusheeya.
Ninkii meesha ku dhacay ayaa indhaha kala furay oo ku yiri: war ma nacas baad tahay , car biyo igu shub. Haddii aan u baahanahay in biyo la igu rusheeyo, waxaan ku hor dhici lahaa warshadda CAAFI ee biyaha nadiifisa. Laakin haddiiba aan Dahabshiil ku hor dhacay, maad dhahdiid war ninka lacag ku rusheeya..
( Diaspora, Villa Somaliya ku hor suuxay maxaa lagu rusheeynayaa?)
4- laba saaxib oo muddo kala maqnaa ayaa waddada ku kulmay. Mid ayaa yiri: saaxiiboow Aabahaa ka waran? Intii aan loo jawaabin ayuu xasuustay in saaxiibkan Aabihii mar hore dhintay , waa naxay wuxuu is yiri u bedel sheekada. Markaa ayuu ku yiri: saaxiiboow, Aabe weli xabaashii miyuu ku jiraa? kii kale ayaa gartay , in saaxiibkii ayaa ku yiri: Maya saaxiiboow aabe waxa uu u guuay qabri kale oo u dhaw.
( Dadku waa wada maahsanyihiin ee hala yaabin, haddii aad aragto mid ku leh waxaan arkay,Mayto qabri kira ah raadinee, mid isla hadlayo kaligii oo leh: waa in DP world dekadaha lagu wareejiyo, mid leh waa inoo anniga iyo mareeykanka haddaanan darsi siin oona tabartooda tusin, hala yaabin dadku ayaantaan si fiican ayeey u shaqeyeen laakin mushaar lama qaadan, kiro iyo biilna waa la iska rabaa).
5- Naag ayaa waxa ey website ku qortay: waxaan u baahanahay nin aan i tumeeyn, iga tageyn, sariirtana igu qanci karo. Telefona badan ayaa laga soo wacay ,laakin maalin dambe ayaa irida la soo garaacay. waa furtay waxa ay aragtay nin labada gacmood iyo labada lugood ka go’an.
Waxa uuna ku yiri: ninkaad raadineeysay waa aniga, kuma tumi karo, kaamana tagi karo waad ii jeedaa ee i guurso. waxa ay tiri: waan u jedaa laakain sariirta in aad igu qanci karto maxaa ii cadeeynaa. Wuxuu ku yiri: oo haddaba irida maxaan ku soo garaacay. kkkkkkkkk
(Wiligii isgool ma dhigan, wiligii xafiis doowlo kama shaqeyn, wiligii tababar ciidan ma qaadan.laakin garaadaha iyo xilka ayuu nagu qancin karaa. Maxaa curyaan aqooneed, mid khibradeed iyo mid bulshaba xil noo qabteen, Ha weeydiin siduu xilka ku qabtay ama janaraal ku noqday).
Qore: Yahya Amir
No comments:
Post a Comment