QAYBTII 2AAD:-
Waxaan ku soo gudo jirnay Duruusta ku saabsanayd in Sheydaanku ama Jinigu dheehi karo jirka Insiga iyo in kale ma wax Daliil ah ayaa loo hayaa?
Darsigii koowaad waxaan ku soo qaadaa dhignay bal in Quraanka laga heli karo daliil arintaa cadaynaysa iyo in kale waxaanan soo aragnay inaysan jirin daliil sariix ah oo si cad u cadaynaysa in Jiniga ama Shayaadiintu ay gali karaan jirka Insiga.
Intaa ka dib ayaan sidii ballantuba ahayd aan doonayaa inaan Darsiga maanta diiradda ku saaro bal in Axaadiista Nabiga scw laga heli karo daliilo saanid ah oo saxiix ah oo si waadax ah u cadeynaya in Jinigu ama Shayaadiintu ay gali karaan jirka Insiga oo intay inqilaabaan hogaanka u qaban karaan jirka Insiga jeer la arko iyaga oo ku hadlaya Carrabka Insiga oo isla markaana si muuqata u adeegsanaya xubnaha Insiga.
Hadaan ku soo dhowaado nuxurka darsiganu daaran yahay oon inta itaalka aqoontayda ah ka hadlo waxaan si dhow u oran karaa intii aan baarayay mowduucaan ma arkin daliil Xadiis oo saxiix ah ama sariix ku ah qadiyadda xoojinaysa in jir Insi ay Jiman iyo Shayaadiin dhex degi karaan kana sameysan karaan fariisimo ay waxyeello muuqata ugu geysan karaan jirka Insiga jismi iyo ruuxba kolka laga soo tago dowrka waswaasinta oo ah midda kaliya ee uu waxyiga sugay.
Rasuulka scw wuxuu inoo sheegay in dhibka Sheydaanku Insi u gaysan karo ay ku eg tahay oo kaliya waswaasin iyo inuu khayrka ka horjoogsado Insiga isaga oo ka shaki galinaya xaqiiqooyinka xaqa ah.
Sida uu Eebe in badan ugu xusay Quraanka kariimka ah arintaas.
Rasuulka scw wuxuu yiri:-
"( الحمد لله الذي لم يقدر منكم الا على الوسوسة) وفي لفظ (رد كيده الى الوسوسة) مسند أحمد (351/3)
“Ilaahay ayaa mahad leh aan Sheydaanka idinku siin awood dhaafsiisan waswaasin”
Lafdi kalana waxa uu ku yiri suubanuhu:-
“Ilaahay ayaa mahad leh dhagarta Sheydaanka ku koobay waswaasin oo kaliya”.
Sidaa ay Nusuusta sariixa ah tilmaamayso Sheydaanku ma lahan awood dhaafsiisan inuu dadka waswaasiyo,shartiisana kama badna inuu dadka inta waswaasiyo uu ka lumiyo dariiqa Xaqa ah oo kaliya.
Walaal haday jiri lahayd xaqiiqo ah inuu Jini dhex dagi karo jirka Insiga oo uu waqtiyo kooban ama ka badanba ku guuri karo Muruqa iyo Maskaxda Basharka si cad bay taa inoogu sheegi lahaayeen Alle iyo Rasuulkiisa scw.
Lamana hayo bal taa badalkeed waxaan soo aragnay daliilo Quraan iyo Sunaba leh oo saacidaya aragtida qabta inuusan jirin Jini iyo Sheydaan qabsan kara Insiga oo isku soo muujin kara jirka Aadanaha.
Waxaa jira daliilo daciif ah oo ay dadka u sheegaan kuwa qaba in Jinigu uu afgambin karo Insiga oo uu jasadkiisa ku shaqaysan karo,daliiladaas oo dhamaantood u badan kuwo daciif ah sanad ahaan ama haday saxiix yihiina aan sariix ku ahayn mowduuca.
Xadiiska kaliya ee Saxiixa ah ee ay daliishadaan qolooyinkan waa Xadiis ka waramaya in laba nin oo Saxaabi ah goor Habeen ah soo ag mareen Rasuulka scw oo meel mugdi ah la taagan Haweentiisii Safiya oo goortii ay arkeen ayay saanta boobeen,dabeeto Rasuulka scw ayaa ku yiri war tartiibsada waa hooyadiin Saafiya eh,kolkaasay iyaga oo khajilay una maleeyay in uu Nabiga tuhmay tasbiixsadeen,markaasuu suubanuhu ku yiri Sheydaanku waxa uu Bani Aadamku kaga rooraa halka dhiigu maro oo sidaa darteed waxaan ka cabsaday inuu qalbigiina ku tuuro wax uun waswaas ah.
"عَنْ صَفِيَّةَ بِنْتِ حُيَيٍّ ، قَالَتْ : كَانَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مُعْتَكِفًا فَأَتَيْتُهُ أَزُورُهُ لَيْلًا ، فَحَدَّثْتُهُ ثُمَّ قُمْتُ فَانْقَلَبْتُ ، فَقَامَ مَعِي لِيَقْلِبَنِي ، وَكَانَ مَسْكَنُهَا فِي دَارِ أُسَامَةَ بْنِ زَيْدٍ ، فَمَرَّ رَجُلاَنِ مِنَ الأَنْصَارِ ، فَلَمَّا رَأَيَا النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَسْرَعَا ، فَقَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : عَلَى رِسْلِكُمَا إِنَّهَا صَفِيَّةُ بِنْتُ حُيَيٍّ فَقَالاَ سُبْحَانَ اللَّهِ يَا رَسُولَ اللَّهِ قَالَ : إِنَّ الشَّيْطَانَ يَجْرِي مِنَ الإِنْسَانِ مَجْرَى الدَّمِ ، وَإِنِّي خَشِيتُ أَنْ يَقْذِفَ فِي قُلُوبِكُمَا سُوءًا ، أَوْ قَالَ : شَيْئًا"
Xadiisku kama hadlin Jini ama sheydaan intuu jir Insi ku soo xaadiray saacado ama daqiiqado haystay ee ujeedada Xadiiska ka waramay waa uun sida ay u dhaqso badan tahay waswaasinta Sheydaanka.
Hadayba dhacdo in ereyga ah halka dhiiga maro ayuu sheydaan maraa lagu dhago oo loo tarjunto galid iyo inuu jir Insi dhex qaadi karo,isla Xadiiska iyo Axaadiista kale een sare ku soo xusnayba waxay cadeeyeen inuusan Sheydaanku Insiga u gaysan karin wax waswaas dhaafsiisan.
Waayo haddii ay jirto in Jini iyo sheydaan ay arin waswaas ka badan Insi u geysan karaan Nabiga scw wuu noo sheegi lahaa oo ma dhaheen.
“"( الحمد لله الذي لم يقدر منكم الا على الوسوسة) وفي لفظ (رد كيده الى الوسوسة) مسند أحمد (351/3)
“Waxaa mahad leh Allaha aan Sheydaan idinku siinin awood waswaas dhaafsiisan ama dhagartiisa ku koobay waswaas oo kaliya”.
No comments:
Post a Comment