Xikmadda xiiso badan.
Sheikh caalim ah iyo ardaygiisa ayaa meel waddo ah isla socday , iyagoo maraya dhul beereed ayey arkeen kobo duug ah, oo ay u maleeyeen in uu leeyahay mid ka mid ah Shaqaalaha beeraha ay hareer marayeen kaas oo meesha dhigtay islamarkaana doonaya in markuu shaqada idleysto ka qaato.
Ardaygii ayaa ku yiri Sheekhiisa.
Ka waran haddii aan La kaftanno ninkaan Shaqaalaha ah, oo aan ka qarino Kobohiisa, si markuu gashan rabo, uu' u waayo , anaguna aan fiirino bal waxa uu sameynayo!.
Caalimkii weynaa ayaa ku jawaabay:
Waxaa nagu waajib ah in aanan sabab u noqon murugta dadka kale , balse Wiilkeygiyow adiga waxaa tahay mid qani ah ,( Hodan ah) waana suuragal inaad sabab u noqoto farxaddiisa ninkaan saboolka ah, sidaas daraadeed xoogaa Lacag ah u dhex geli kobihiisa, markaas aan aragno sida uu sameeyo!!
Ardaygii ayaa la yaaby Hindisaha Sheekha wuxuuna Lacag ugu qariyay Ninkii Kobihiisa, kadib isaga iyo Sheekhii waxay ku dhuunteen dhirta ( Geedaha) si ay u Arkaan falcelinta Howlwadeenka Saboolka ah.
Daqiiqado kadib waxaa yimid Ninkii Faqiirka ahaa, wuxuuna jaf Jaftay kobihiisa markuu Shaqada soo dhameystay , si Lama filaan ayuuna uga dhex Helay lacag, weliba labada kob ayuu midba si gaar ah uga helay.
Si aad ah ayuu 'u 'eegay una xaqiijiyay in wuxu lacag yihiin mise Riyadiisa tahay.
Kadib ayuuna Iska fiiriyay Hareeraha iyo dhammaan Afarta jiho, qofna muusan arkin!!
Lacagtii ayuu jeebka gashtay , Labadiisa gacmood ayuu Kor u taagay wuxuuna eegay Samada isagoo Oynaya kadib ayuu cod sare ku yiri " ilahayow Mahadsanid , waayo waxaad ogeyd in Xaaskeygu Xanuunsantahay , Caruurteyduna baahan yihiin, oo aysan heleynin Rooti , waad I badbaadisay".
Wiilkii ayey saameysay Ducadiisa indhihiisana Illin ayaa buux dhaafisay
Markaas ayaa Sheekhii ku yiri: " Hadda soo kama farxad badna , haddii aan sameyn lahyn soo jeedintaadi ee aan qarin lahayn Kobihiisa".
Ardaygii ayaa ku jawaabay" waxaan ka bartay Cashir aanan waligey illoobi doonin".
-----------------------------------------------------------
By: - Mohamed Ahmed Jimale.
Qoraa Ismail Esse Hassan ✍✍✍
No comments:
Post a Comment