Sunday, December 27, 2020

XOOGAA KALA DURGA

Xogaa ka durug

Si wixii qurux badan aktaada qurux uga sii ahaadaan,ha u dhawaan,waxyaabaha qaar korkaas in laga daawado ayay ku qurxoonyihiin.

Marka nala barayay habka wax loo qoro waxaa naloo sheegay inaan kala durkinno erayda si ay u fahmaan dadka akhrinaya waxaan qornay,markaan gaari wadidda baranaynay waxaa nala baray inaan ka durugno gawaarida oo aanan hoosta ka galin si aysan gawaarida isugu dhicin.

Noloshana waa sidaas oo kale dadka hadaadan xogaa ka fogaan waad isku dhaceysaan,Qoraaga Jarmalka ah  ee la yiraahdo Schopenhuer,wuxuu qoray sheeko ku saabsan kuuley cali banjar oo dhaxan daran qabatay markasay arkeen dab meel ka shidan,dhankaas ayay aadeen ayagoo diirrimaad ka raadinayo, dabkii ayay aad ugu dhawaadeen, ayagoo ka cararayo qabowgii ay darremayeen,laakiin qodxihii korkooda ka taagnaa ayaa xanuujiyay, xogaa ayay ka fogaadeen dadbkii hadana dhaxan ayay dareemeen, haday dadbka u dhawaadaana qodaxda jirkooda ku taallo ayaa xanuujinayso markii danbe waxay heleen masaafo ah diirrimaadkana ay ku heli karaan oo aysan xanuujineynin qodaxda jirkooda suran.

Aadanaha ceebo gaar ah  iyo Qodxo u gaar ah ayuu leeyahay oo aadan arki karin laakin markaad u dhawaatid aad dareemaysid.

Dadka qaar waxay moodaan qofka ay jecelyihiin haday u dhawaadaan farxad inay dareemayaan, arintaasi sax maaha, qofka markaad ka bad badisid xiriirkaaga kuma sii jeclanayo,wuu kaa daalaya wuuna ku nacayaa.

Qof walbo isku day xogaa inaad ka fogaatid wax ka hallaabayo malahan qofkaas ha ahaado waalid ama walaal ama kuwaad dhashay,xiriirkiina markaas ayuu sii qurux badnaanaya,aadna ha ugu dhawaan si aysan kaaga daalin,aadna ha uga fogaan si aysan kuu iloobin.

Adduunkana wuxuu ku dhisanyahay inaan aad la isugu dhawaan oo la kala durko,tusaale ahaan qorraxda wax yar haday kasoo durugto meesha ay joogto aduunka wuu gubanayaa

Fiiro Gaar ah:kuuley cali banjar dadka aan aqoonin sawirkeeda waxaad ka heli kartaan commntiyada dhexdooda

No comments:

Post a Comment