Sunday, October 8, 2017

Ma labada rakcadood ee aan idin dushiyay baan muslim ku noqday

Masjid ay dad intay saladii subax tukadeen, ay
fadhfadhiyaan,baa waxa si kedis ah kuso galay
Gaal American ah oo Mindi weyn sita. Markas
buu weydiyey, qof Muslim ah ma idinku jiraa?
Waa lawada Amusey Shib!, mid baa geesi iska
dhigay oo yiri aniga ayaa Muslim ah. Gaalkii baa
ku yiri, Dibada ma iigu so bixi kartaa? Kolkii
dibada loo baxay buu ku yiri, waxan wataa Wan
(sheep)aan doonayo in qabka Muslimka xolaha u
gowracan aad igu gawracdo,Haragana aad iga
saarto, yarkii intuu wankii u gawracay buu gaalki
ku yiri, anigu wan gawracaye cid kaga saarta
haraga ka doono masjidka ku noqo. Gaalkii baa
Masjidkii kusoo laabtay isago mindidii oo dhiig
ka da’ayo sita. dadkii ayu weydiyey, qof kale o
Muslim ah ma idinku jiraa? Dadkii oo dhan baa
hal mar Imaamkii Masjidka farta ku fiiqay.
Imamkii oo xanaqsan baa waxa uu yidhi, Ma
labada Rakcadood ee aan idin tujiyey baan
Muslim ku noqday? Bal waxan eega yaana huba
waxan nahay hhhhhhh wuxu moday inuu ninku
dilayo wixii muslim sheegta !

No comments:

Post a Comment