I FADLAN #SHARE DHEH SI DADKA NOO OGADAAN WAA HABEENKII GEERIDA
=======================================
7-4-2016 Habeen khamiis ah oo jimce soo galayo ayey aheyd markii aan ka soo baxnay Xeebta waxaana soo raacnay Doontan aad arkaysaan Sawirkeeda waxaana aanu ahayn dad ku dhow 168 qof oo iskugu jira caruur ,Dumar , Iyo dhalinyaro ka soo jeeda wadamada Somalia,Ethopia,Masar iyo Sudani.
Maalintii jimcaha ahayd ee ku beegnayd 8 -4-2016 anakoo ku guda jirnay safarka Bada oo saaraan doontan aad arkaysaan.
Isla habeenimadaas ayaa naloo sheegay in doon kale oo dad naga soo horeeyay ay saarnayeen loona sheegay in lanagu wareeji doono maadaama doontaan lagu talo galin inaay dadka Talyaani geyso.
Marxalado kadib Roobab xoogan oo na hareeyay, Bada oo kacday xaalada culus oo na soo waajahday allaah ayaanu barinay dadkuna aadbay u khalkhaleen qaarkiidna miyirkoodu wuu maqnaa xaladaas adag kadub alle wuu naga aqbalay duucooyinkii aan ku duceeysanay inuu allaah naga dejiyo Badda oo aad u kacsanayd gaadhayna in la damiyo matoorka doonta .
Intaa kadib habeenimida ay sabti soo galeeysay saacaduna aay aheyd 7 saac oo habeenimo 1:00Am ayaa la gaadhay oo la bilaabay in doontii aan saarnayn in nalaga guro ama nalagu daadguureeyo doontii weynayd oo dadka la hormo hormeeyo ama la kala horeysiiyo oo caruurta iyo haweenka marka hore lugu guro ama la saaro doonta.
Hawshiina sidaas ayey ku bilaabantay oo dadkii oo dhan waa la wada saarey ilaa ay soo hadheen 31 qof oo kaliya oo ku soo hadhay doontii dadka laga wareejinayey.
Intaas ka bacdi dadkii badankiisa iyadoo la saaray oo aan ka mid ahaa anigoo cawaale ah doonta dhacday ayaa waxaa igu soo dhaweyey asxaab badan oo doonta iiga horeysay oo ay ka mid ahayeen dadkii ku caan ahaa baraha bulshada sida facebook oo uu ka mid ahaa cadnaan xaaji oo ku magac dheeraa madaxda maanta.
Kadibna doonto oo ka koobnayd sedex dabaq oo kala sareeya ayaan fadhiistay qaybta ugu sareysa halkaas anigoo iskaga dikrinaya ayaa doontii dhinac u janjeedhsantay ama miisaankii doonta oo dhinac u batay.
Isla markiiba waxaan maqalnay qof qaylinaya oo dhahaya "waan halaagsanay" oo ku soo celceliyey dhawr goor iyo dadkii oo qaylo iyo oohin isla oogsantay isla markaas ayey nala dhacday doontu oo gabi ahaanteedba ay quustay oo wey dagtay halkaasna waxaan miciinsaday dabaal aniga iyo dhawr wiil oo kale oo ila soo badbaaday waxaana ka mid ahaa
1-abdixakiin abokor diiriye oo ku magac dheer cabdi khan.
2-abdirahman abdulahi.
3-ahmed khayre oo isaguna ku magac dheer fool.
Dabashaasna waxaan ku imid doonta aan dhicin ee aad sawirkeeda aragtaan.
Halkaasina waxa laysku dayey in nala badbaadiyo oo xadhko naloo tuuro anaka iyo dad yar oo dabaalanayey oo aan gaadhayn 20 qof.
Badda oo aad u kacsanayd oo mawjaha cirka marayaan oo dhaxantuna ay xad dhaaf tahay ayaan mawjada kolba dhinac u raacaa.
Waxaana iigu layaab badnaa ama iigu adkaa inaan arko dad aan dabaal garanayn oo baddu marna dajinayso marna ay soo tufayso oo aan qudh iyo maan u garanayey ahaana saxiibadayda aan aadka u jecelahay oo aanan waxba u qaban karin.
Maydka tiro beelay ee aan soo dhaafayey ayaaba igaga sii darnaa oo aan goobjoog u ahaa.
Ballo waaba ta danbaysee markaan fuulay doontii aan ku badbaaday ayaan arkay sxbday oo dabaalanaya oo aan xadhko u tuurnay lakiin ay diideen qoladii doonta nugu waday.
Taas oo ay ku sababeyeen in hadii aan badbaadino dadkan dabalanaya tana ay inala dhici doonto doontuna ay tahay tan aad sawirkeeda arkaysaan.
Waxaanan ilaabi doonin dadkaygii oo igu leh miyaan nala badbaadinayn oo hadana ku celcelinaya eraygaas waana sxbkay bilaale oo aanu burco kuwada noolayn ahaanaa garabkayga midig.
Waxaana aan sii wadanay socdaalkayagii ilaa aan ka gaadhnay xeebaha talyaaniga oo nalaga badbaadiyey 16 aprill 2016 oo aad argeysaan wakhti doonta lanaga bad baadiyay una na bad baadiyay Markab laga leeyahay dalka philipine waxaana ku sugneen xiligaas biya dalka Talyaaniga waxaan aan soo gaadhnay 17 aprill 2016 magalada kalamata ee dalka greece.
Sidaas ayeey wax u dhaceen balse Warbaahinta Qaar inaay si khalad wax u qoraan aadbaan ugu xumahay.#Darwiish media
No comments:
Post a Comment