Monday, May 29, 2017

LEYLATUL QADRIGA IYO FURSADA KU JIRTA

LEYLATUL QADRIGA IYO FURSADA KU JIRTA
Bisha Ramadaan waxaa ku jira habeen loogu magic-daray (Leylatul-Qadri) suurada 97aad ee Alqadri, Alla waxa uu ku furfurtay habeenka qadriga isaga oo leh “Annaga ayaa soo dejinay Quraanka habeenka leylatul-qadriga(habeenka sharafta leh”, durbadiiba Alla waxa uu soo rogay su’aal weydiin isaga oo leh, hooyaay “miyaad taqaanaa habeenka qadriga” su’aasha kadib waxa uu horay ka raaciyay jawaabta, waxa uuna yiri. “Habeenka qadriga waa habeen ka kheyr badan, faa’iido iyo miro dhal badan kun bilood, waxaa habeenkaa soo daadega malaa’igta iyo ruuxda (malakul-jibriil) iyaga oo ku dheehan fasaxa Alle dhinac walbo, habeenkaasi wa mid nabad-gelyo iyo baraaro leh ilaa uu waaga subaxeed ka bidhaamayo”. Allah sw waxa uu tilmaamay in uu habeenka qadriga uu yahay mid ka kheyr badan kun bilood, taas oo la macno ah hadii aad habeenkaa ku dadaasho cibaadada waxa aad la mid tahay qof kun bilood iyo in ka badan cibaadeystay,  sida uu Alle yiri isaga oo adeegsaday erayga (kheyrun) oo ah waa mid ka miro dhal badan kun bilood, hadaba eynu eegno xikmada ku jirta in habeenka qadrigu yahay mid ka kheyr badanyahay kun bilood.
Sida aan ogsoonnahay dunidu waa goob loogu talo galay in Aadanaha lugu jaribo(imtixaano) si loo eego hadii uu camal wanaagsan la imaanayo iyo hadii uu rabitaankiisa shaqsiyadeed (hawadiisa) iyo nafadiisa raacayo, Alle sw waxa uu Aadanaha siiyay garasho iyo faham waxa uuna u kala bidhaamiyay wadada saxda ah iyo tan qaloocan si Aadanahu u helo fursad uu ku guuleysan karo waa hadii uu wadada saxda ah doortee, Allah sw waxa uu adoomadiisa u balan qaaday Jano balaceedu yahay sida samooyinka iyo dhulka taas oo laga helo waxwalbo oo Nafsada bini’aadamku jeceshahay waase hadii aad ku guuleysato imtixaanka dunida.
Sida ku cad Quraanka iyo sunnada Nabigeena nnkh, Janada waa mid leh darajooyin(heerar) kala duwan, waxa uuna Alle ku booriyay Adoomdiisa in ey u tartamaan qeybaha sare ee Janada. Allah sw mar uu ka sheekeeyay Janada iyo barwaaqada ka dhex buuxda waxa uu ku soo gebagebeeyaya, “midkaas ha u tartameen kuwa tartamaya” waa Aayada 26 ee suurada Al-Mutafifin.
waxa inoo soo muuqanaya fursad lagu tartami karo si loo helo Janada daareheeda qeybaha ugu sareeya uguna sharafta iyo barwaaqada badan, hase ahaatee marka loo eego umada Nabi Muxamad nnkh, taas oo da’ ahaan aad uga hooseysa umadihii horo, ma  heli doonto waqtiga fiican ee ey umadihii horo qaateen si ey ula yimaadaan cibaado farabadan oo buuxisa miizaankooda, marka aan is weydiino da’deena oo yar darted side Ayaan u heli karnaa Janada qeybeheeda ugu sareeya? oo side baan ula tartami kareynaa umadihii innaga cumriga dheeraa? waxaa jiro fursado badan oo eynu ka faa’iideysan karno si eynu u guuleysano. Fursadahaasi waxaa ka mid ah ka miradhalinta habeenka qadriga iyo nooleyntiisa, eynu eegno habeenkaani qadarka uu la egyahay,
Habeenka qadriga waxa uu ka kheyr badan yahay kun bilood, eynu falanqeyno inaga oo is barbar dhig ku sameyneyna habeenka qadriga iyo kun bilood cibaadada lala yimaado
1000  BIL = 82 SANO
Celcelis ahaan da’da umada Nabi muxammad scw waa 60 ilaa 70 sano, marka laga jaro waqtiga caruurnimada iyo weliba dhalinyaranimada waxa ey noqoneysaa 70-20 = 50 sano.
Marka aad 50 sano ku dhifato 83 sano oo u dhiganta habeenka qadriga ah ee soo noqnoqota bisha Ramadaan waxa ey la mid noqoneysaa 50*83= 4,150 Afar kun boqol iyo konton  sanadood!!!!!
Marka aad 50 sano ku qaadato cibaado adiga oo ka faaiideysanaya habeenka leylatul qadriga ah waxaad la mid tahay qof qaatay nolosha 4,150 sano oo cibaado ah taas oo lagu daray 50ka sano ee aad nooshahay wadartoodu waxa ey noqoneysaa 4,200 Afar kun iyo labo boqol oo sano. Hadaba u fiirso walalka muslimka ohoow faa’iidada ku sugan habeenka leylatul qadriga oo la cibaadeysto waxa aad fursad u heli doontaa ka guul gaarida iyo hanashada daaraha sare ee Janada adiga oo baasi doona dadyowgii hore oo lugu sheegay in ey ahaayeen dad ku raaga nolosha oo waqtiyo fog nool, tusaale ahaan qowmkii Nabi Nuux nnkh waxaa la sheegaa in ey noolaan jireen waqtiyo dhaadheer sida ku cad Quraanka, suurada Cankabuut Aayada 14aad oo tilmaameysa in nabu Nuux uu dacwada diinta ka dhex faafinayay tolkiisa mudo kun sano ah marka laga reebo 50 sano.

RAMADAANKA IYO HAGAAJINTA NAFSADA

RAMADAANKA IYO HAGAAJINTA NAFSADA 
Cibaadada eynu gudano bisha Ramadaanka waxaa ka mid ah afxirashada ama soomida oo qeyb ka ah bisha Ramadaan, qof kasta oo muslim ah waa in uu ka soomaa cunnada, cabitaanka, iyo la gogol-wadaaga lamaanihiisa, laga bilaabo marka uu dhasho fajarka (waaga subaxeed) ilaa gabalku ka dhacayo. Afxirashadu waxa ey tilmaan u tahay dhowr waxyaabood, waa marka koobaade in qofka muslimka ahi ajiibo(isu dhiibo) rabigiiisa, oo uu qaato amarkiisa isaga oo tixgelinaya oo weyneynaya, waa marka uu cunada iyo cabitaanka uu ka tago isaga oo weyneynaya(qadarinaya) rabigiisa. Ahmiyada labaad ee ku jirta afxirashada ama soomida ayaa ah in qofka muslimka ahi qaadanayo tababar Nafsadeed oo lugu hagaajinayo habdhaqanka iyo suluuga nafsada, sida aan ognahay Nafsada iyo rabitaanka shaqsiyadeed (Hawada) waa labada ugu dhibka badan ee Aadanaha ka hor istaaga maslaxadihiisa aduun iyo aakhiro, waxa laga yaabaa qofku inuu la qabsado waxyaabaha lugu raaxeysto ee xalaasha ah sanadka intiisa kale isla markaana  ey sabab ugu noqoto inuu qofku ku fogaado waxyaabaha xaaraamta ka ah, Allah sw isaga oo inoo naxariisanaya waxa uu ina siiyay fursad eynu dib ugu hanan karno hogaanka nolosheena inaga oo Nafsada cadaadis ku saareyna u hogaansanaanta maslaxadeena, waxaa marag ma doonto ah in qofka muslimka ah ee si dhab ah u sooma bisha Ramadaanka uu ka xakameysnaan doono xumaha, munkaraadka, iyo macaasida, sababtoo ah, marba hadii uu ka tegay cuntada iyo cabitaanka isaga oo ku qadarinaya rabigiisa waxaan suurto-gal u noqon doonin inuu sameeyo waxyaabo uusan rabbi raali ka aheyn.
Nafsadu waxa ey ku tababarataa cibaadada nuucyadeeda kala duwan sida,salaadaha, tahajudka, sadaqa bixinta, aqrinta iyo ku macaansiga Quraanka, usama-falka muslimiinta, ku boorinta samaha iyo dhamaan waxwalbo oo Allah raali-geliya.

Nafsadu waxa ey ku tababarataa sidoo kale ka joogsiga xumaha iyo munkaraatka, nuuc kasta oo ey yihiin sida, beenta, khiyaanada, macaasida iyo waxyaabaha aan sharciga ku banaaneyn marka ey bishu dhamaato qofka muslimka ah waxa uu soo baxaa isaga oo ka istaagay ama ka sii fogaaday waxwalbo oo wax udhimaya xiriirka ka dhexeeya asiga iyo rabigiisa, sidoo kale waxa ey bishu dhamaataa isaga oo aad ugu sii dhawaaday rabigiisa isla markaana hagaajiyay xiriirka uu la leeyahay Alle sw.

RAMADAANKU WAA BISHA QURAANKA

RAMADAANKU WAA BISHA QURAANKA
Quraanku waxa uu soo degay bisha Ramadaanka sida uu Alle ku qeexay Aayadaha 185 ee suurada Al-baqara, Aayada 3 ee suurada Al-dukhan iyo aayada 1aad ee suurada Al-qadri. Ramadaanku waxa uu fursad inoo siinayaa in aan dib u habeyno xiriirka  aan la leenahay Alle sw inaga oo booqaneeyna waqtina ku qaadaneyna (ku ictikaafeyna ama ku negaaneyna) guriga Alle sw sida uu Alle ku tilmaamay Aayada 187aad ee suurada Al-baqara. Waxaan waqti fiican la qaadan doonnaa Quraanka inaga oo aqrineyna kuna bogaadsaneyna dhadhanka suuban ee nafsada u roon iyo micaha gudo balaaran ee uu xambaarsanyahay, waxa ey ka dhigantahay inaga oo dhegeysaneyna ilaahey hadalkiisa ama aqrineyna fariinta uu Alle inoo soo diray weliba inaga oo joogna Allah gurigiisa, waa boqorka boqorada waa abuuraha koonka balaaran ee eynu aragno waa naxariistaha cadaalada badan, tol beelaye masjidka yaan la iigaga hormarin aan dhurto dhadhanka suuban, aan dhegeysto Quraanka qalbiga u roon aan dareemo farxad iyo reynreyn, marba hadii aan gurigii Alle joogo oo aan si fudud u aqrisanayo fariimihiisa ama aan dhegeysanayo mid kamid ah qurraa’da quraanka  isaga oo ku aqrinaya fariinta Alle cod dhegaha u roon, Alla nasiib badaniyaa!!!! Alla nasiib badanaa qofkii fursadaa hela!!!
Jawiga farxada, kalsoonida iyo reynreyntu ku dheehantahay ee guriga ilaahey, waxaa ii sii dheer balanqaadyada, bishaarooyinka, barakada, iyo naxariista, is daba socdo ee aan ka dhex helayo fariimaha Alle sw waa Quraankee,
Quraanku waa fariin xaga Alle inooga timid oo qoraal ah, waana wadada kaliya ee aan ku hagaajin karno xiriirka inoo dhexeeya anaga iyo Alleheena sababtoo ah Alle sw markii uu Aadam iyo caruurtiisa ka soo ceyriyay Janada ee ey ku soo hoobteen dhulka, Alle sw waxa uu kula --taliyay aadam caruurtiisa in hadii ey u yimaadaan fariin wadayaal ama rusul ka qisoonaaya Allah sw Aayadihiisa ama xambaarsan hanuunka Alle cidii raacda in eysan lumi doonin kana badbaadi doonto kadeed aduun iyo mid aakharo intaba.
Hadaba si eynu u hagaajino xiriirka Alle waxaa lagama maarmaan ah ineynu si qoto dheer u aqrino fariinta inooga timid xaga Alle, si eynu isu dul taagno qaababka aan Allah ku wada xariiri karno, annaga oo qaadan doonno talooyinka iyo waanada Alle eek u xusan Quraanka kariimka.

Sidaa awgeed bisha Ramadaanku waxa ey fursad inoo siineysaa ineynu furno kitaabka Alle kadibna si degan u aqrino si aan u hagaajinno xiriirka aan Alle la leenahay, inkasta oo aqrinta iyo ku camal-falka Quraanku ku koobneyn bisha Ramadaan oo kaliya hadana bishani waxa ey na siineysaa fursad dahabi ah sababto ah waxaa xiran shayaadiinta baadiyeeya dadka

SOOMIDA RAMADAANKA IYO HAGAAJINTA XIRIIRKA ALLE

SOOMIDA RAMADAANKA IYO HAGAAJINTA XIRIIRKA ALLE
Waxaa lagama marmaan ah ineynu fahano xiriirka tooska ah ee ka dhaxeeya afxirashada bisha Ramadaan iyo hagaajinta iyo qurxinta xiriirka kaala dhexeeya Allahaga ku uumay,  sababtoo ah Allah sw waxa uu sabab uga dhigay afxirashada Ramadaanka in ey inoo horseedi doonto hagaajinta xiriirka aad Alle la leedahay, sidaa darteed ka mira dhalinta ama xaqiijinta gudashada waajibka soonka waxa uu ku xiranyahay hadba inta uu hagaagsanaado xiriirka aad la leedahay Alle sw, tani waxa ey la macno tahay hadii uusan hagaagsaneyn xiriirka aad Alle la leedahay, tusale ahaan inuu yaryahay isku xirnaanta dhexdiina ah sida inta jeer ee aad aqrido Quraankiisa si aad ula sheekeysato Allah sw, iyo inta jeer ee aad Allah amaanto inta jeer ee aad booqato gurigiisa si aad Allah u xusto una amaanto waa marka ey yartahay inta jeer ee aad qaadato waanadiisa ku aadan fulinta iyo dhaqan-gelinta talooyinka ku anfacaya aduun iyo aakhiro iyo sidoo kale qaadashada waanada Alle ee kaa reebeysa xumaha, munkarka iyo wax walbo oo aan kugu habooneyn. isku soo wada duuboo wax walbo oo wax u dhimi-kara habsami u socodka xiriirka kaala dhexeeya Allahaaga sw waa inaad ka fogaataa.
Marka uusan hagaagsaneyn xiriirka kaala dhexeeya Allahaaga wexey la macno tahay ma aadan gudanin waajibkii Alle ku saaray ugama aadan soo bixin sidii lagaa doonayay, sababtoo ah waxaa liita xiriirka Alle kaala dhexeeya, Ramaadankana waxaa loogu talo galay sida ku xusan Aayada inuu noqdo mid hagaajiya oo boorka ka jafa xiriirka kaala dhexeeya Allah sw, walalka muslimka ohow waxaa halkaa kaaga soo muuqanaya Ramadaanku in uusan ku koobneyn cunada iyo biyaha oo laga afxirto oo qura, Ramadaanku waxa uu  xambaarsanyahay fursado Alle ugu talo galay in muslimiintu dib ugu hagaajiyaan xiriirka kala dhexeeya khaaliqooda sw. waa inaad ogsoonaataa markasta oo uu hagaagsanaado xiriirka kaala dhexeya Allah sw waa markasta oo aad xaqiijisay gudashada waajibka Alle waana markasta oo lagaa aqbalo afxirashadaada iyo soomidaada bisha barakeysan, taa bedelkeeda markasta oo aadan dareemin is bedel dhanka hagaagsanaanta ah oo ku yimaada xiriirka aad la leheed Allah sw ama uu kordho sii xumaashada xiriirka aad Alle la leedahay waxaad ogaataa waa markasta oo afxirashadaadu eysan leheyn wax macno ah, waana marka ey u badantahay in aan lagaa aqbalin sidaa darted waxaa ka sugan Nabigeena muxamad nnkh inuu yiri “ qofkii aan ka tegin hadalada iyo falalka aan habooney ma jirto wax baahi ah oo uu Alle ka leeyahay inuu ka tago cunnadiisa iyo cabitaankiisa”  waa marka aad diido qaadashada waanada Alle ee kaa reebeysa waxyaabaha aan kugu habooneyn waa marka aad fududeysato waanada Alle adiga oo raacaya hawadaada iyo talada shayaadiinta. Markale ogsoonoow waa in aad ku baraarugsantahay, Ramadaanka soomidiisa iyo aqbalaadiisu waxa ey ku xiranytahay hadba inta uu hagaagsanaado xiriirka kaala dhexeeya Allah sw
FURSADAHA RAMADAANKA IYO HAGAAJINTA XIRIIRKA ALLE
Sida eynu kor ku soo xusnay Taqwada ama rabi ka cabsigu ama dhowrsanaantu waxa ey qaadataa dhowr macno oo kala duwan hase ahaatee hadii eynu soo koobno waxa ey isugu imaaneysaa hagaajinta xiriirka  aad la leedahay rabigaaga, xiriirka aad la leedahay rabigaaga waxa uu noqdaa labo qeyboo dhaqan-gelinta amarada Alle iyo ka fogaashada waxyaabaha uu Alle kaa reebay lkn hadii eynu si kale u dhigno luqada, xiriirku waxa uu ku dhisanyahay 3 qeybood, tan koobaad, qaadashada talo bixinta Alle ee la xariirta dhamaan waxyaabaha kugu haboon ee lagaa doonayo inaad dhaqan geliso si aad u hesho liibaan aduun iyo mid aakharo  Tan labaad: qaadashada waanada Alle ee la xariirta ka waansamida iyo ka fogaashada dhamaan waxyaabaha uu Alle kaa reebay ee aan kugu habooneyn isla markaana kuu horseedi kara dhibaato aduun iyo mid aakharo. Tan 3aad: bulaaleynta iyo hagaajinta xiriirka kaala dhexeeya Alle sw sida ku xirnaashadaada, booqashada guriga Alle, iyo aqrinta iyo ku camal falka fariimaha Alle.
Waxa eynu is weydiineynaa, sidee ayuu Ramadaanku inoogu noqon karaa fursad eynu ku hagaajino xiriirka aan Alle la leenahay?
Si guud nolosheenu waa mid ka sameysan kadeed iyo howlo aduun oo aan dhamaad leheyn, nolosheenu waa mid ku dhisan imtixaan aan kala go’ leheyn oo siyaabo kala duwan noo soo wajaha maalin walbo, sidoo kale dunidu ma aha goob lugu negaado oo waa ku meel gaar inta eynu uga rawaxeyno daarta aakhiro, hase ahaatee marka eynu nahay bulsho muslimiin ah oo ku baraarugsan imtixaanka dunida isla markaana u hanqaltaageysa ka faa’iideysiga waqtiga yar ee eynu noolnahay. si aan u hagaajino xiriirka aan Alle la leenahay kaas oo inoo suurtagelin doono inaan qiyaamaha ku naaloono farxad iyo damaashaad, waa marka aan marti u noqono Allah sw oo shalay eynu dunida ku leheyn xiriir wanaagsan oo qurux badan.
Hadaba marka eynu fahano ahmiyada hagajinta xiriirka aan Alle la leenahay waxaa caqabad inugu noqon-doono nolosha iyo gadgadoonkeeda iyo daruufaha casriyada la socdo, waxaa laga yaabaa in daruufo iyo mashaakil nololeed  oo nala soo gudboonaada ey mararka qaar sababaan wiiqida xiriirka aan Alle la leenahay iyada oo laga yaabo in aan ka mashquulno aqrinta Quraanka, booqashada guriga Alle, xusida iyo amaanta Alle iyo gudashada waajibaadkiisa, sidaa darteed waqti ka waqti wexeynu u baahanahay inaan dib isu soo haabano oo eynu dib u hagaajinno xiriirka aan la leenahay Alle sw, arintani waxa ey ka dhigantahay nuqsaanta iyo siyaadada iimaanka sida culimada muslimiintu falanqeeyaan, iimaanku waxa uu ku siyaadaa daacada Alle waxa uuna ku nusqaamaa macaasida iyo amardiidada Alle.

Waxaa jira fursado badan oo uu Alle siiyo umada muslimiinta ah si ey dib ugu hagaajiyaan xiriirka ey la leeyihiin Allohooda, fursadahaasi waxaa ka mid ah bisha barakeysan ee Ramadaanka si guud.
XIKMADA BISHA RAMADAANKA IYO FAA’IIDOOYINKEEDA
QEYBTA 1AAD

W/Q: SAID AHMED WEHLIYE
Bisha barakeysan ee Ramadaan waa bisha Allah sw uu ku wajibiyay bulshooyinka muslimiinka in ey gutaan waajibaadka, afxirashada ama soomida loo yaqaano, waa hab-cibaadeed ka kooban qeybo badan oo kala duwan isla markaana leh xikmad u gaar ah. Inta aanan u gudbin xikmada Ramadaanka inta Alle inaga fahamsiiyo bal eynu si guud u eegno sida uu Allah sw u qaabeeyay Ramadaanka. Ramadaanka afxirashadiisu waa tiirka 3aad ee tiirarka diinta islaamka waana mid ka mid ah astaamaha ama shacaa’irta ugu waaweyn ee islaamka, Allah sw waxa uu ku yiri suuratul baqara Aayada 183aad kuwa iimaanka laga helayoow waxa la idinku waajibiyay afxirashada Ramadaanka sida loogu waajibiyay dadyowgii idinka horeeyay, waxaa xaqiiqo ah inaad dhowrsanaan doontaan”. Aayadu waxa ey is dultaagtay dhowr qodob oo ahmiyad gaar ah inoo leh bilowga Aayada iyo dhamaadkeeda oo isku xiran marka aad u fiirsato waxaaa kuu soo ifbaxaya ahmiyada iyo iney lagama maarmaan tahay in la isku xiro bilowga iyo dhamaadka Aayada marka la dhaqan gelinayo, hadii aan jilciyo, Allah sw waxa uu bilowga Aayada inoo sheegay isaga oo u dhawaaqaya dadka iimaanka laga helay in uu nugu waajibiyay afxirashada(soomida) bisha barakeysan ee Ramadaan, kadib waxa uu raaciyay in afxirashadu eysan inaga nugu koobneyn oo dadyowgii horaba sidaan oo kale loogu waajibiyay, hase ahaatee ila eeg walalka muslimka ohow, waxa halkani ka soo baxaya su’aal uu qofku is weydiin karo oo ah .. ilaahoow maxaad afxirashada inoogu waajibisay? ama muxuu yahay hadafka ka dambeeya ineynu afxirano, soonno? su’aashani waxa uu Alle uga jawaabay Dhamaadka Aayada isaga oo leh “waxaad mudantihiin ama xaqiiqo ah inaad Alle ka cabsataan( dhowrsanaataan)”  weedha Alle adeegsaday iyo ficilka carbeed ee uu adeegsaday labadaba waxa ey ina  siinayaan aragti fog iyo faham qoto dheer oo ku saabsan xikmada Alle u jideeyay(u waajibiyay) afxirashada bisha rammadaaanka.
 Erayga (Al-taqwa) oo kamid ah astaamaha ugu waaweyn ee lugu garto  dadka xiriirka dhow la leh Alloohooda, ayuu Alle u adeegsaday inuu yahay hadafka ka dambeeya afxirashada Ramadaanka, waa arin ugub ah aadna ahmiyad gaar ah inoogu leh, culimada muslimiintu siyaabo kala duwan ayey u fasiraan erayga (Al-taqwa) marka loo eego siyaabooyinka kala duwan ee uu Alle uga hadlay Quraanka, hasa ahaatee waxa su’aal taagan ah, waa maxay taqwo? waa maxaay astaamaha qofka ku sifooba taqwada? Taqwadu waa mowluuc guda balaaran oo aanan halkani lugu falanqeyn Karin hase ahaatee wexeynu eegi doonaa inta kala xiriirta afxirashada iyo soomidda bisha Ramadaanka. Marka aan si guud u eegno taqwada la xiriirta Ramadaanka waxaa kuu soo baxaya in taqwadu qeyb ka tahay isu dhawaashaha adoonka iyo rabigiisa, dib u habeynta iyo boor ka jafida xiriirka u dhexeeya Alle iyo adoomadiisa muslimiinta ah, taas oo la macno ah hadba qof kasta inta uu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay Allihiisa isaga oo qaadanaya talooyinkiisa ku aadan gudashada waajiaadka iyo habdhaqanada wanaagsan, sidoo kale isaga oo qaadanaya waanada Allihiisa, waa marka uu ka fogaanayo waxyaabaha aan ku habooneyn ee ey ka soo gaari karto dhibaato aduun iyo mid aakhiro, waa marka uu u dhawyahay Alle sw.
Intaa marka aan isla fahano su’aal aad is weydiineyso ayaa ah, side bey isugu xiranyihiin bilowga Aayada iyo dhamaadkeeda? ama, waa maxay xiriirka ka dhexeeya afxirashada Ramadaanka iyo hagaajinta xiriirka Alle?.

Marka aan yara bidhaamiyo waxaa jira faham khaldan oo eynu in badan ka aaminsanahay waajibaadka Alle inagu waajibiyo inaga oo aanan helin sharaxaad nugu filan tusaale ahaan marka aad u fiirsato Ramadaanka iyo bulshooyinka muslimiinta ah inbadan oo kamid ah, Ramadaanku waxa uu u muuqdaa sida dhaqan ama caado oo kale, taas oo ey dadku joogteeyaan iyada oo aan la garaneynin xikmada ama sirta ka dambeysa, taasi waxa ey keentay in ey yaraato saameynta Ramadaanku inagu leeyahay marka loo eego dhaqan ahaan, hase ahaatee si kasta oo ey tahay waxa lagama maarmaan ah ineynu fahano xikmada ka dambeysa Ramadaanka iyo xiriirka ka dhexeeya hagaajinta xiriirka Alle iyo soomida bisha Ramadaan.

KHEYRE MA KASBAN DOONAA KALSOONIDA SHACABKA SIDA FARMAAJO OO KALE

KHEYRE MA KASBAN DOONAA KALSOONIDA SHACABKA SIDA FARMAAJO OO KALE
sida eynu wada ognahay shacabka somaliyeed waxa ey kalsooni balaaran siiyeeen madaxweyne farmaajo, hal heesku waxa uu ahaa musharaxa shacabka waa farmaajo iyada oo ey jireen musharaxiin kale oo saaxada soomaliya ku lahaa maqaam sare marka loo eego dadaalladoodi ku aadanaa ka qeyb qaadashada dib u dhisida nidaamka dowladnimo ee somaliya hase ahaatee innaga oo aan ku dheeraan doonnin sababaha ey shacabku ku jeclaadeen madaxwyne farmaajo marka eynu dib ugu laabano waqtigii uu ahaa reyzulwazaaraha dalka ,waxaa ka mid ah  hagaajinta hanaanka cadaalada iyo sinnaanta, xukuumad tayo iyo is la xisaabtan leh, dhaqaaleynta kheyraadka yar ee ey laheyd dowladii xiligaa jirtay, kasbashada shacabka iyo la qeybsashada xanuunandiisa, dib u habeynta iyo dhiira-gelinta ciidanka qalabka- sida. intaa iyo in ka badan oo uu madaxweyne farmaajo ku kasbaday shacabka markii uu reyzul-wazaare ka ahaa dalka waxa ey soo jiiteen shacabka soomaliyeed oo u arkayay in madaxweyne farmaajo uu ahaa muwaadin daacad u ah bulshada una adeegaya si hufniini ku jirto dareenka shacabku waxa uu balaartay markii ey xukuumadihii ka dambeeyay la soo shirtagi waayeen himiladii shacabka ee ku aadanaa dowlada iyo habsami u socoshadeeda waxa ey bulshadu u arkayeen in eysan jirin cid iyaga u hiilineysa ama danohooda ka shaqeyneysa, waxaa kala fogaaday shacabka iyo dowlada.  intaa ka dib farmaajo waxa uu bulshada ugu muuqday inuu yahay musharaxooda hase ahaatee aan jaanis loo siinin inuu u shaqeeyo kadib doorashooyin iyo kaambeyno fara badan waxa xilka madaxweynaha dalka ku guuleystay madaxweyne farmaajo isaga oo raizul wazaare u magacaabay mudane xasan cali kheyre baarlabaankuna si aqlabiyad le ku siiyeen kalsoonidooda hadaba su’aasha taagan ayaa ah kheyre ma noqon doonaa farmaajo labaad
Waxa dhici doona iyo sida wax noqon doonaan waxa og allah sw hase ahaatee khubarada u dhuun daloola siyaasada dalka ayaa sheega in xukuumadaha fadhiidka ah ee dalka soo maray ey qaadanayaan mas’uuliyada hori-u socod la’aanta ah maadama eysan dhaqan gelin balamada ey qaadaan oo eysan tixgelin siinin dhaqaajinta dowlada, waxa lagu eedeeyaa madaxda dalka soo martay in ey dadaal u galaan sidii ey danohooda ku meel marin lahaayeen halka ey danaha guud ku dadaali lahaayeen  iyo sidii ey dib ugu soo noqon lahaayeen kursiga hase ahaatee sida aan aaminsanahay waxa jiro caqabado adag oo hadba la soo gudboonaada madaxda dalka haba ugu horeeyaan caqabadaha, qabyaalda, qolaqolada iyo boobka hantida dad weynaha  kuwaa oo ragaadiyay horumarka dowladaha somaliya laga aasaaso xukuumad walbo marka uu waqtigeedu idlaanayo wexeynu maqalnaa ciidanku intaa oo bilood ma uusan helin xuquuqdiisi sidoo kale shaqaalaha dowladu mushaar ma helin mudadaas. taasi ayaa eheyd fariin loo dirayo ciidanka dowladu in ey ku qamaamaan shacabka lana baxaan wixi ku jira jeebabkooda hantidoodana dhacaan sidoo kale waxaa fariin taa la mid ah loo diraa shaqaalaha hey’adaha dowliga ah nuuc walbo oo ey yihiin in ey laaluush iyo is daba maryeyn la magic baxay dhacdhac ku qaataan shaqadooda si ey noloshooda ugu dabaraan maadaama eysan mushaar helin mudo bilooyin ama sanado ku dhow ah.
Waxa eynu is weydiin karnaa meeye lacagtii loogu talo galay ciidanka iyo shaqaalaha dowlada?
 meeye miisaaniyadii dowlada ee  baarlabaanku meel mariyay tolow yaa jeebka ku ritay?
Sida aan aaminsanahy caqabada ugu weyn ee madaxda somalida hortaagnaa ayaa ah la xisaabtan la’aan baahsan oo ka dhex jirta hey’adaha ugu waaweyn ee dalka taas o keentay in madaxda indhohoodu arkaan kursiga ey ku fadhiyaan iyaga oo aan milicsaneynin waajibaadka ku hareereysan .
Madaxweyne farmaajo waxa uu ka badbaaday labo xarig oo dabin u noqon lahaa hadii uu soo maro, waa marka koobaad xariga qabiilka oo somalidu madaxdeeda kaga hor istaagaan danaha guud iyo u dhaqaaqooda
Sidoo kale farmaajo waxa uu ka tanaasulay qorshaha hantI uruursiga iyo ku tamashleynta kursiga madaxtinimo iyada oo hareerihiisa shacabku ku ruux baxayaan taa bedelkeeda waxa uu farmaajo isku dayay in uu dhexdhexaadnimo ugu shaqeeyo shacabka isaga oo la qeybsanaya xaaladaha ey ku sugnaayeen sidoo kaLe farmaajo intii uu mansabka dowladnimo ku faani lahaa oo uu ku tuman lahaa hantida dowlada haba noqoto raacida dayuuradaha khaaska ah ee ey madaxdu raacaan waxa uu ka doorbiday in uu shacabka dayuuradaha shibilka ah  la raaco una muujiyo in uu la laxawsanayo lana wadaagayo xaaladaha adage e ey marayaan
Ka xuroobida qorsha qabiileedka, ka hor istaaga madaxda dalka u dhaqaaqida danaha guud ee ku soo kooba dano gaar ahaaneed, hamiga siyaasadeed ee garaadxumidu ku dheehantahy ee uun ku saleysan dib hala ii doorto aniga oo aan waxba qaban iyo ku takri-falka hantida shacabka si dan gaar ah loo gaaro waa caqabadaha ugu waaweyn ee uu madaxweyne farmaajo ka badbaaday xiligii uu reyzul-wazaaraha ahaa waana tan uu ku kasbaday shacabka soomaalieeyd. si taa lamid ah hadii eynu eegno reyzul-wazaaraha cusub xasan cali kheyre ayaa isna sidaas oo kale fursad u heli doona ka dhabeynta rejada shacabka waa hadii uu si qoto dheer ugu fiirsado una digtoonaado.
Waa marka koobaade kheyre waa aqoonyaha khibrad fog u leh maamulka iyo maareynta lana soo shaqeeyay hey’ado waaweyn marka loo eego mansibka uu taagnaa marka la magacaabayay waa nin aan u baahi qabin hantida shacabka marka loo eego hantidiisa, sidoo kale kheyre waxa uu ka nabad-galay jilba xirka qabiilka oo aan uga jeedo in qabiiladu soo gudbiyaan cida loo magacaabayo xika sare iyaga oo ku soo xira shuruudo ad-adag hadaba sida  innagu maqaal ah, kheyre waxa si iskiis ah u soo magacaawday madaxweyne farmaajo oo kuma uusan imaanin soo gudbinta iyo ka raali noqoshada beesha uu ka dhashay.
Ka xuroobid qabiilka iyo soo gudbintooda iyo sidoo kale ka xuroobida hamiga hanti-uruursiga oo lagaba yaabo in musharaxiinta qaarkood la siiyo lacago deyn ah si ey campeynada u galaan waa labo arin oo ahmiyad gaar ah u leh wada shaqeynta madaxda sare iyo shacabka iyo in madaxu u dabacsanaato shacabka dadaalna u gasho sidii ey kalsoonida shacabka u kasban lahaayeen  
Su’aasha ah xasan kheyre ma kasban doonaa kalsoonida shacabka sida farmaajo oo kale, jawaabteedu waa haa,
 xasan cali kheyre waxa uu noqon doonaa farmaajo labaad oo aan uga jeedo waxa uu heli doonaa kalsoonida iyo rabitaanka shacabka waa haddii uu ka faa’iideysto fursadaha qaaliga ah ee uu heysto
Waa hadii uu ahmiyada koobaad siiyo shacabka iyo daryeelkiisa
Waa hadii uu si dhab ah ugu shaqeeyo shacabka ulana xisaabtamo xukuumadiisa
Waa hadii ey si wanaagsan u wada shaqeeyaan isaga iyo madaxweynaha
Waa hadii uu ka tanaasulo hamiga hanta-uruursiga


FARMAAJO HALA II GEEYO Rejo iyo yididiilo shacab

FARMAAJO HALA II GEEYO
Rejo iyo yididiilo shacab
Kadib burburkii dowladii kacaanka bulshada somaliyed waxaa ragaadiyay dagaalo sokeeye oo ey debka u shidaan hogaamiye kooxeedyo damiir laaweyaal ah ganacsato dhiiga shacabka faa’iido ka raadisa iyo shisheeye iyaga isku baabi’iya oo ka dhex shaqeeya. Shacabka somaliyeed meel walbo oo ey joogaan waxa ey mareen xaaladdo ad’adag oo aad u xanuun badan dal iyo dibadba hase ahaatee marwalbo waxa ey ahaayeen shacab aan alle ka quusan oo aan ka rejo dhigin in mar uun ey dib u hantaan dowlad wanaagsan oo danohooda ka shaqeysa.
Laga soo bilaabo dowladihii laga dhisay soo maaliya kadib burburkii dowladii dhexe,  somalidu waxa ey ku soo dhaweynayeen dowladaha niyad wanagsan iyo sacabo furan iyaga oo rejeynaya in ey dib u hantaan waqti la oran jiray berisamaad oo ku asteysnaa nabad gelyo iyo  qabweyni iyo sumcad somalinimo hase ahaatee dowladihii faraha badnaa ee soo maray dalka mid walbo waxa ey abuuri jirtay rejo beel iyo quusatiino shacab taa oo keentay in shacabku ka rejo dhegaan dowladaha la soo dhiso, madaxweyne walbo oo la doorto ma raadiyo kalsoonida shacabkiisa oo taa bedelkeed beesha caalamka ayuu daba cararaa sumcadna ka raadiyaa halkii uu la fadhiisan lahaa shacabkiisa oo uu u damqan lahaa lana qeybsan lahaa murugada iyo farxada halkii uu iyaga danahooda ka shaqeynlahaa waxa uu maciin bidaa la fadhiisashada ajaanibta iyo raadinta farxadooda waxa uu iloobaa shacabkiisa daruufeysan waxa uuna ka shaqeystaa danihiisa khaaska ah.
 bulshada somaliyeed waxa ey aamineen in dowladnimadu tahay goob ganacssi oo kuwa dibadaha ku soo hungooba ey shaqo usoo raadsadaan dowlad waliba tan ka danbeysa waxaa sii xawaareeyay musuqmaasuqa, boobida hantida dadweynaha iyo ku takrifalka sharciga waxaa lumay micnihii dowladnimo waxaa kala fogaaday shacabka iyo dowlada ilaa markii dambe awooda dowladu  isugu soo uruurtay iney  shacabka caburiyaan oo ey wadooyinka ka xiraan 
marka aan intaa aragno waxa marag ma doonto ah in somalidu yihiin dad jecel dowladnimada nabadgelyada iyo wada noolaashaha marka loo eego dhaqanka islaamka ee hagaagsan iyo usluubka somalinimo ee dhiigooda ku jira waa dad shaqsi ahaantooda aan aqoonin kala faquuqa iyo qabyaalada waa dad ilaahey qalbigooda dhigay naxariis iyo damiir huwan dareen somalinimo  laakin su’aashu waxa ey marwalbo eheed eheyd , Tolaaye  yaa talada inoo haya?.
 waxan shaki ku jirin sida ey shacabka somaliyeed u muujiyeen dareenka dadnimo iyo somalinimo ee ku wajahan  damaashadka farxadeed iyo isusoo bixii balaarnaa ee lugu soo dhaweynayey  madaxweynaha cusub ee somaliya lugu doortay  8da fabraayo jawi farxadeed oo xamaasadi ku dheehantahay kaas oo dib inoogu celiyay oo ina xasuusiyay sida jawigu ahaa lixdamaadkii markii somalidu ka midowday gumeystaha,  tani waxa ey daliil u tahay sida somalidu haraad xoogan ugu qabeen cid shumaca u daarta dareenka dowladnimo jeceyl  iyo wada noolaashaho ee dhiigooda ku jira kaas oo sida ey ila tahay somalidu u arkeen madaxweyne farmaajo inuu yahay cida kaliya ee la jaanqaadi karta dibna usoo nooleyn karta rajadooda iyo yididiiladooda dowladnimo  in kasta oo caqabado aad u adagi horyaalaan madaxweyne farmaajo inkasta oo waxa dhici doono ey ku jirto gacanta alle hadana madaxweyne farmaajo waxa uu ahaa madaxweyne isku dayay inuu shacabka u dhawaado dareenkooda iyo danohoodana ka hormariyo  danaha kale  oraahda “farmaajo hala ii geeyo” oo ka soo bilaabatay wiil somaliyeed oo dhlinyaro ah oo sida maskaxdiisu u sawiraneysay  aan helin cid u damqata ama ka warheysa xaaladiisa, oraahdaa oo sida an aaminsanahy ka soo burqatay maskaxdiisa kadib markii uu dareemay in shumacii rejada  uu ku jiro madaxweyne farmaajo gacantiisa  taas oo ey la wadaagaan dhalinyarada tirade badan ee wadooyinka isugu soo baxday ,
 oraahdani iyo taageerida balaaran ee shacabka u muujiyay madaxweyne farmaajo  waxa ey muujineysaa in madaxda dalka soo martay ku fashilmeen  raadinta kalsoonida shacabka, u damqashadiisa iyo la wadaagida dareenkiisa sidooo kale oraahdani waxa ey fariin u direysaa cid walbo oo dooneysa mustaqbalka iney shacabka somaliyeed hogaamiso in ey ogaadaan ahmiyada eey leedahay in shacabka la siiyo mudnaanta koobaad oo loo shaqeeyo intii laga shaqeysan lahaa
ugu dambeyntii somalidu waxa ey ku maahmaahdaa kor waayeel waa wada indho  guushii madaxweyne farmaajo waxa ey sumcada u ilaalisay baarlamaanka somaliyeed oo  lugu asteeyay iney laaluushqaateyaal noqondoonaan oo dadka qaar  halhees ka dhigteen hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho taas oo micneheedu ahaa in aan laga filaneynin xildhibaanadu iney madaxweyne daacad ah doortaan sidoo kale guushu  waxa ey soo celishay kalsoonida shacabka ey ku qabaan dowladooda waxa bilaabatay wada shaqeyn waa markii  lugu baahiyay baraha bulshadu ku xariirto sawiro muujinaya shacabka oo raacaya gawaarida ciidanka iyo shacabkii iyo ciidankii oo wada cunteynaya waxaa mar  qura la waayay  cabsidii u dhexeysay shacabka iyo ciidanka. shacabku waa dowlda dowladuna waa shacabka muuqaalku sida uu noqday kadib doorashadii farmaajo waxa ey daaha ka qaatay sida madaxweynaha iyo shacabku isaga warhayaan sida uu madaxweyne farmaajo khudbadihiisa iyo wareysiyadiisa ku dhihi jiray tusaale ahaan “dhibaatadu ma ahan shacabka ee dhibaatadu waa dowlada” iyo sidoo kale “ anigu waxaan megen u ahay shacabka” hadaladani oo tusinaya sida shacabku ey daacad ugu yihiin dowladnimada hadii la helo hogaamiye shacabka u damqanaya.

 waxan alle ka baryeynaa inuu na waafajiyo kheyrka iyo samaha nuguna ilaaliyo wadada toosan ee diinteena suuban  

Wednesday, May 24, 2017

حقائق تاريخية

ا #حـقـائـق_تـاريخيـة

-"#سعد_زغلول "الزعيم الخالد كان مدمنًا للخمور ولعب القمار وأقر بذلك في مذكراته ..

-"#هدى_شعراوي "التي درسنا سيرتها أنها رائدة التحرر والسيدة الفذّة في العصر الحديث كانت تتباهى أنها أول امرأة ارتدت "الشورت"في شوارع مصر ..

-"معاهدة كامب_ديفيد المشؤمة" لا يستطيع أحد أن يطّلع على بنودها حتى الآن ..
-"الموسيقار #محمد_عبدالوهاب موسيقار الأجيال-كان يفتخر أنه
بارك وشهد أول حفل شواذ في مصر ..!!

-"كوكب الشرق #أم_كلثوم":
طلبت من عبدالوهاب تلحين سورة الرحمن لتسجلها بصوتها في الإذاعة وبالفعل لحّنها لها عبدالوهاب وكادت أن تسجلها لولا أن وقف لها الشيخ الحصري بالمرصاد ..

-"#قاسم_آمين ":
صاحب كتاب "تحرير المرأة"بعدما رأى عري النساء في
الشوارع ذُهل وقال:لم أكن أطمع في ذلك ..

-"#طه_حسين":
-عميد الأدب العربي-قال:أعطوني قلمًا أحمر لأصحح أخطاء القرآن ..

-"#توفيق_الحكيم"-الأديب العالمي-كتب رواية سمّاها"الشهيد"تدور عن أن الله ظلم إبليس وأن إبليس لا يجب أن يدخل النار ..

-"#نوال_السعداوي":
"الزنديقة- التي يُظهرها الإعلام الآن أنها رائدة من روّاد الفكر المستنير قالت ذات مرّة: "إن التوحيد ظلم المرأة فلماذا نقول لا إله إلا هو ولا نقول لا
إله إلا هي" ..!!
-"#فرج_فودة"
الذي سبّ القرآن، وسخر من وجود الله، وكفّره الأزهر،واغتالته الجماعات الإسلامية لزندقته=يسمّيه الإعلام الآن"شهيد الرأي" وعندما تحدّث عنه عادل إمام قال :رحم الله أخي فرج فودة ..!
عزيزي يا من يعتمد في معلوماتك على ما درسناه أو شاهدناه في الإعلام=
من فضلك
إنس ما تعلّمته وابدأ في إعادة تكوين معلوماتك من جديد .
إن التاريخ مزور
و إلاعلام مضلل
وحسبنا الله ونعم الوكيل
ياريت ننشرها ليعلم الجميع حقائق

Sunday, May 21, 2017

السياسة رواية تختلف مقتضاها

ﺍﺣﺪ ﺍﻟﺮﻭﺱ ( ﺍﻟﻴﻬﻮﺩ ) ﺣﺼﻞ ﻋﻠﻰ ﺗﺼﺮﻳﺢ ﺍﻟﻤﻐﺎﺩﺭﺓ ﺇﻟﻰ " ﺇﺳﺮﺍﺋﻴﻞ ."
ﺃﺛﻨﺎﺀ ﺗﻔﺘﻴﺶ ﺣﻘﺎﺋﺒﻪ ﻋﻨﺪ ﺍﻟﻤﻐﺎﺩﺭﺓ، ﻋﺜﺮ ﻣﻔﺘﺶ ﺍﻟﺠﻤﺎﺭﻙ ﻋﻠﻰ ﺗﻤﺜﺎﻝ ( ﻟﻴﻨﻴﻦ ) ﺑﻴﻦ ﺍﻟﺜﻴﺎﺏ ..
ﺳﺄﻟﻪ ﺍﻟﻤﻔﺘﺶ : ﻣﺎ ﻫﺬﺍ؟
ﻓﺮﺩ ﻋﻠﻴﻪ ﺍﻟﺮﻭﺳﻲ : ﺻﻴﻐﺔ ﺳﺆﺍﻟﻚ ﺧﻄﺄ ﺃﻳﻬﺎ ﺍﻟﺮﻓﻴﻖ ! ﻛﺎﻥ ﻳﺠﺐ ﻋﻠﻴﻚ ﺃﻥ ﺗﺴﺄﻝ ﻣﻦ ﻫﺬﺍ؟ ﻫﺬﺍ ﻟﻴﻨﻴﻦ ..
ﺍﻟﺬﻱ ﺃﺭﺳﻰ ﺩﻋﺎﺋﻢ ﺍﻟﺸﻴﻮﻋﻴﺔ، ﻭﺟﻠﺐ ﺍﻟﺨﻴﺮ ﻟﻠﺸﻌﺐ ﺍﻟﺮﻭﺳﻲ .
ﻭﺃﻧﺎ ﻣﻦ ﺟﻬﺘﻲ ﺗﺨﻠﻴﺪﺍ ﻟﻬﺬﻩ ﺍﻟﺬﻛﺮﻯ ﺍﻟﻤﺒﺎﺭﻛﺔ، ﺃﺻﻄﺤﺒﻪ ﻣﻌﻲ ﻟﻠﺒﺮﻛﺔ .
ﺗﺄﺛﺮ ﺍﻟﻤﻮﻇﻒ ﺍﻟﺮﻭﺳﻲ؛ ﻭﻗﺎﻝ ﻟﻪ ﺣﺴﻨﺎ، ﺗﻔﻀﻞ ﺑﺎﻟﻤﺮﻭﺭ ..
-----
ﻳﺮﻯ ﻣﻮﻇﻒ ﺍﻟﺘﻔﺘﻴﺶ ﻓﻲ ﻣﻄﺎﺭ ﺗﻞ ﺍﺑﻴﺐ ﺍﻟﺘﻤﺜﺎﻝ ﻭﻳﺴﺄﻝ : ﻣﺎ ﻫﺬﺍ؟
ﻳﺠﻴﺐ ﺍﻟﺮﻭﺳﻲ ﻗﺎﺋﻼ : ﺳﺆﺍﻟﻚ ﺧﻄﺄ ﻳﺎ ﺳﻴﺪﻱ !
ﻛﺎﻥ ﻳﺠﺐ ﻋﻠﻴﻚ ﺃﻥ ﺗﺴﺄﻝ ﻣﻦ ﻫﺬﺍ؟
ﻫﺬﺍ ﻟﻴﻨﻴﻦ، ﺍﻟﻤﺠﺮﻡ ﺍﻟﻤﺠﻨﻮﻥ ﺍﻟﺬﻱ ﺗﺮﻛﺖُ ﺑﺴﺒﺒﻪ ﺭﻭﺳﻴﺎ !
ﺃﺻﻄﺤﺒﻪ ﻣﻌﻲ، ﻷﻧﻈﺮ ﻓﻲ ﻭﺟﻬﻪ ﻛﻞ ﻳﻮﻡ ﻭﺃﻛﻴﻞ ﻟﻪ ﺍﻟﻠﻌﻨﺎﺕ ﻓﻲ ﻛﻞ ﻭﻗﺖ ﻭﺣﻴﻦ !
ﺗﺄﺛﺮ ﺍﻟﻤﺴﺆﻭﻝ " ﺍﻹﺳﺮﺍﺋﻴﻠﻲ " ﻭﻗﺎﻝ : ﺣﺴﻨﺎ، ﺗﻔﻀﻞ ﺑﺎﻟﻤﺮﻭﺭ ..
-----
ﻳﺬﻫﺐ ﺍﻟﺮﻭﺳﻲ ﺍﻟﻰ ﻣﺴﺘﻌﻤﺮﺗﻪ ﻭﻳﺴﻜﻦ ﻓﻲ ﺑﻴﺘﻪ، ﻭﻳﻀﻊ ﺍﻟﺘﻤﺜﺎﻝ ﻓﻲ ﺯﺍﻭﻳﺔ ﺑﺎﺭﺯﺓ ﻓﻲ ﺍﻟﻐﺮﻓﺔ .
ﻭﺑﻤﻨﺎﺳﺒﺔ ﻭﺻﻮﻟﻪ ﻷﺭﺽ ﺍﻟﻮﻃﻦ ﻳﺪﻋﻮ ﺃﻗﺮﺑﺎﺀﻩ ﻟﺰﻳﺎﺭﺗﻪ .
ﺃﺣﺪ ﺃﻭﻻﺩ ﺃﺧﻴﻪ ﻳﺴﺄﻟﻪ : ﻣﻦ ﻫﺬﺍ؟
ﻳﺮﺩ ﻋﻠﻴﻪ ﺍﻟﺮﻭﺳﻲ : ﻳﺎﺻﻐﻴﺮﻱ ﺳﺆﺍﻟﻚ ﻫﺬﺍ ﺧﻄﺄ !
ﻛﺎﻥ ﻳﺠﺐ ﻋﻠﻴﻚ ﺃﻥ ﺗﺴﺄﻝ ﻣﺎ ﻫﺬﺍ؟
ﻫﺬﺍ، 10 ﻛﻎ ﻣﻦ ﺍﻟﺬﻫﺐ ﻋﻴﺎﺭ 24 ، ﺃﺩﺧﻠﺘﻪ ﻣﻦ ﺩﻭﻥ ﺟﻤﺎﺭﻙ ﻭﻻ ﺿﺮﺍﺋﺐ،
ﻭﻓﻮﻕ ﻛﻞ ﺫﻟﻚ ﻣﻦ ﺩﻭﻥ ﻗﻴﻤﺔ ﺍﻟﻀﺮﻳﺒﺔ ﺍﻟﻤﻀﺎﻓﺔ !
ﺧﻼﺻﺔ ﺍﻟﻘﻮﻝ :
ﺍﻟﺴﻴﺎﺳﺔ ﻫﻲ ﺍﻟﻤﻘﺪﺭﺓ ﻋﻠﻰ ﺷﺮﺡ ﺍﻟﺸﻲﺀ ﻧﻔﺴﻪ ﻟﻠﻨﺎﺱ
ﺑﺄﺳﺎﻟﻴﺐ ﻣﺨﺘﻠﻔﺔ ﻭﺑﺤﺴﺐ ﻭﺿﻌﻪ، ﻭﻟﻜﻦ ﺑﺸﺮﻁ ﺃﻥ ﺗﺠﻌﻠﻪ
ﻳﻘﺘﻨﻊ ﻓﻲ ﻛﻞ ﺭﻭﺍﻳﺔ !!! ج

Friday, May 12, 2017

RAMADANOW SOO DHOWOW

هل الرزق يحتاج الي الطلب

بقلم مهفوز علي
ﺇﺧﺘﻠﻒ ﺍﻹﻣﺎﻣﺎﻥ ﺍﻟﺠﻠﻴﻼﻥ
ﻣﺎﻟﻚ ﻭ ﺍﻟﺸﺎﻓﻌﻲ ﺭﺿﻲ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻨﻬﻤﺎ ، ﻓﺎﻹﻣﺎﻡ ﻣﺎﻟﻚ ﻳﻘﻮﻝ
ﺃﻥ ﺍﻟﺮﺯﻕ ﺑﻼ ﺳﺒﺐ ﺑﻞ ﻟﻤﺠﺮﺩ ﺍﻟﺘﻮﻛﻞ ﺍﻟﺼﺤﻴﺢ ﻋﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻳﺮﺯﻕ ﺍﻻﻧﺴﺎﻥ ، ﻣﺴﺘﻨﺪﺍً ﻟﻠﺤﺪﻳﺚ ﺍﻟﺸﺮﻳﻒ ‏( ﻟﻮ ﺗﻮﻛﻠﺘﻢ ﻋﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﺣﻖ ﺗﻮﻛﻠﻪ ﻟﺮﺯﻗﻜﻢ ﻛﻤﺎ ﻳﺮﺯﻕ ﺍﻟﻄﻴﺮ ﺗﻐﺪﻭ ﺧﻤﺎﺻﺎ ﻭ ﺗﺮﻭﺡ ﺑﻄﺎﻧﺎ ‏) ، ﺃﻣﺎ ﺇﻣﺎﻣﻨﺎ ﺍﻟﺠﻠﻴﻞ ﺍﻟﺸﺎﻓﻌﻲ ، ﻓﻴﺨﺎﻟﻔﻪ ﻓﻲ ﺫﻟﻚ .
ﻓﻴﻘﻮﻝ ﻟﻮﻻ ﻏﺪﻭﻫﺎ ﻭ ﺭﻭﺍﺣﻬﺎ ﻣﺎ ﺭُﺯﻗﺖ ، ﺃﻱ ﺇﻧﻪ ﻻ ﺑﺪ ﻣﻦ ﺍﻟﺴﻌﻲ .
ﻭ ﻛﻞ ﻋﻠﻰ ﺭﺃﻳﻪ .
ﻓﺈﻣﺎﻣﻨﺎ ﻣﺎﻟﻚ ﻭﻗﻒ ﻋﻨﺪ ‏( ﻟﺮﺯﻗﻜﻢ ﻛﻤﺎ ﻳﺮﺯﻕ ﺍﻟﻄﻴﺮ ‏) ﻭ ﺗﻠﻤﻴﺬﻩ ﺍﻟﺸﺎﻓﻌﻲ ﻗﺎﻝ ﻟﻮﻻ ﺍﻟﻐﺪﻭ ﻭ ﺍﻟﺮﻭﺍﺡ ﻟﻤﺎ ﺭﺯﻗﺖ .
ﻓﺄﺭﺍﺩ ﺍﻟﺘﻠﻤﻴﺬ ﺃﻥ ﻳﺜﺒﺖ ﻷﺳﺘﺎﺫﻩ ﺻﺤﺔ ﻗﻮﻟﻪ ، ﻓﺨﺮﺝ ﻣﻦ ﻋﻨﺪﻩ ﻣﻬﻤﻮﻣﺎ ﻳﻔﻜﺮ ، ﻓﻮﺟﺪ ﺭﺟﻼ ﻋﺠﻮﺯﺍ ﻳﺤﻤﻞ ﻛﻴﺴﺎ ﻣﻦ ﺍﻟﺒﻠﺢ ﻭ ﻫﻮ ﺛﻘﻴﻞ ﻓﻘﺎﻝ ﻟﻪ : ﺃﺣﻤﻠﻪ ﻋﻨﻚ ﻳﺎ ﻋﻤﺎﻩ ﻭ ﺣﻤﻠﻪ ﻋﻨﻪ ، ﻓﻠﻤﺎ ﻭﺻﻞ ﺇﻟﻰ ﺑﻴﺖ ﺍﻟﺮﺟﻞ ، ﺃﻋﻄﺎﻩ ﺍﻟﺮﺟﻞ ﺑﻀﻊ ﺗﻤﺮﺍﺕ ﺇﺳﺘﺤﺴﺎﻧﺎ ﻣﻨﻪ ﻟﻤﺎ ﻓﻌﻠﻪ ﻣﻌﻪ ، ﻫﻨﺎ ﺛﺎﺭﺕ ﻧﻔﺲ ﺍﻟﺸﺎﻓﻌﻲ ﻭ ﻗﺎﻝ : ﺍﻵﻥ ﺃﺛﺒﺖ ﻣﺎ ﺃﻗﻮﻝ ، ﻓﻠﻮﻻ ﺃﻧﻲ ﺣﻤﻠﺘﻪ ﻋﻨﻪ ﻣﺎ ﺃﻋﻄﺎﻧﻲ ﻭ ﺃﺳﺮﻉ ﺇﻟﻰ ﺃﺳﺘﺎﺫﻩ ﻣﺎﻟﻚ ﻭ ﻣﻌﻪ ﺍﻟﺘﻤﺮﺍﺕ ﻭ ﻭﺿﻌﻬﺎ ﺑﻴﻦ ﻳﺪﻳﻪ ﻭ ﺣﻜﻰ ﻟﻪ ﻣﺎ ﺟﺮﻯ ﻭ
ﻫﻨﺎ ﺇﺑﺘﺴﻢ ﺍﻹﻣﺎﻡ ﺍﻟﺮﺍﺋﻊ ﻣﺎﻟﻚ ﻭ ﺃﺧﺬ ﺗﻤﺮﺓ ﻭ ﻭﺿﻌﻬﺎ ﻓﻲ ﻓﻴﻪ ﻭ ﻗﺎﻝ ﻟﻪ : ﻭ ﺃﻧﺖ ﺳﻘﺖ ﺇﻟﻲ ﺭﺯﻗﻲ ﺩﻭﻧﻤﺎ ﺗﻌﺐ ﻣﻨﻲ .
ﻓﺎﻹﻣﺎﻣﺎﻥ ﺍﻟﺠﻠﻴﻼﻥ ﺍﺳﺘﻨﺒﻄﺎ ﻣﻦ ﻧﻔﺲ ﺍﻟﺤﺪﻳﺚ ﺣﻜﻤﻴﻦ ﻣﺨﺘﻠﻔﻴﻦ ﺗﻤﺎﻣﺎ ﻭ ﻫﺬﺍ ﻣﻦ ﺳﻌﺔ ﺭﺣﻤﺔ ﺍﻟﻠﻪ ﺑﺎﻟﻨﺎﺱ .
ﻫﻲ ﻟﻴﺴﺖ ﺩﻋﻮﺓ ﻟﻠﺘﻮﺍﻛﻞ ، ﻟﺬﺍ ﺳﺄﻟﺤﻘﻬﺎ ﺑﻘﺼﺔ ﺟﻤﻴﻠﺔ ﻋﻦ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ ﺑﻦ ﺃﺩﻫﻢ .
ﻓﻴﺤﻜﻰ ﺃﻧﻪ ﻛﺎﻥ ﻓﻲ ﺳﻔﺮ ﻟﻪ ﻭ ﻛﺎﻥ ﺗﺎﺟﺮﺍ ﻛﺒﻴﺮﺍ ﻭ ﻓﻲ ﺍﻟﻄﺮﻳﻖ ﻭﺟﺪ ﻃﺎﺋﺮﺍ ﻗﺪ ﻛﺴﺮ ﺟﻨﺎﺣﻪ ، ﻓﺄﻭﻗﻒ ﺍﻟﻘﺎﻓﻠﺔ ﻭ ﻗﺎﻝ : ﻭ ﺍﻟﻠﻪ ﻷﻧﻈﺮﻥ ﻣﻦ ﻳﺄﺗﻲ ﻟﻪ ﺑﻄﻌﺎﻣﻪ ، ﺃﻡ ﺃﻧﻪ ﺳﻴﻤﻮﺕ ﻓﻮﻗﻒ ﻣﻠﻴﺎ ، ﻓﺎﺫﺍ ﺑﻄﺎﺋﺮ ﻳﺄﺗﻲ ﻭ ﻳﻀﻊ ﻓﻤﻪ ﻓﻲ ﻓﻢ ﺍﻟﻄﺎﺋﺮ ﺍﻟﻤﺮﻳﺾ ﻭ ﻳﻄﻌﻤﻪ .
ﻫﻨﺎ ﻗﺮﺭ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ ﺃﻥ ﻳﺘﺮﻙ ﻛﻞ ﺗﺠﺎﺭﺗﻪ ﻭ ﻳﺠﻠﺲ ﻣﺘﻌﺒﺪﺍ ﺑﻌﺪ ﻣﺎ ﺭﺃﻯ ﻣﻦ ﻛﺮﻡ ﺍﻟﻠﻪ ﻭ ﺭﺯﻗﻪ ، ﻓﺴﻤﻊ ﺍﻟﺸﺒﻠﻲ ﺑﻬﺬﺍ ﻓﺠﺎﺀﻩ ﻭ ﻗﺎﻝ : ﻣﺎﺫﺍ ﺣﺪﺙ ﻟﺘﺘﺮﻙ ﺗﺠﺎﺭﺗﻚ
ﻭ ﺗﺠﻠﺲ ﻓﻲ ﺑﻴﺘﻚ ﻫﻜﺬﺍ ؟
ﻓﻘﺺ ﻋﻠﻴﻪ ﻣﺎ ﻛﺎﻥ ﻣﻦ ﺃﻣﺮ ﺍﻟﻄﺎﺋﺮ ﻓﻘﺎﻝ ﺍﻟﺸﺒﻠﻲ ﻗﻮﻟﺘﻪ ﺍﻟﺨﺎﻟﺪﺓ : ﻳﺎ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ ، ﻟﻢ ﺍﺧﺘﺮﺕ ﺃﻥ ﺗﻜﻮﻥ ﺍﻟﻄﺎﺋﺮ ﺍﻟﻀﻌﻴﻒ ﻭ ﻟﻢ ﺗﺨﺘﺮ ﺃﻥ ﺗﻜﻮﻥ ﻣﻦ ﻳﻄﻌﻤﻪ ؟ ﻭ ﻟﻌﻠﻪ ﻳﻘﻮﻝ ﻓﻲ ﻧﻔﺴﻪ ﺣﺪﻳﺚ ﺍﻟﺮﺳﻮﻝ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭ ﺳﻠﻢ ‏( ﺍﻟﻤﺆﻣﻦ ﺍﻟﻘﻮﻱ ﺧﻴﺮ ﻭ ﺃﺣﺐ ﺇﻟﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻣﻦ ﺍﻟﻤﺆﻣﻦ ﺍﻟﻀﻌﻴﻒ ‏) .
ﻳﺎ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻰ ﻫﺬﺍ ﺍﻟﻔﻬﻢ ﺍﻟﺮﺍﺋﻊ ﻭ ﺍﻻﺳﺘﻴﻌﺎﺏ ﻟﻠﺮﺃﻱ ﺍﻵﺧﺮ ﺇﺫﺍ ﻛﺎﻥ ﻟﻪ ﻣﺴﻮﻍ ﺷﺮﻋﻲ .
ﺍﻟﺨﻼﺻﺔ : ﻫﻨﺎﻟﻚ ﺃﺭﺯﺍﻕ ﺑﻼ ﺳﺒﺐ ﻓﻀﻼً ﻣﻦ ﺍﻟﻠﻪ ﻭ ﻧﻌﻤﺔ .
ﻭ ﻫﻨﺎﻟﻚ ﺃﺭﺯﺍﻕ ﺑﺄﺳﺒﺎﺏ ﻻ ﺑﺪ ﻣﻦ ﺑﺬﻟﻬﺎ ..

BARNAAMIJKA WEYDII IYO DOOD WAALAN

Barnaamijkii waydii wadaadka maanta wacdaro ayaa ka dhacday, nin ayaa soo wacay markaasu sheekhii ku yiri labadeyda xaas bal kala saar way is hetstaane
Middii koowaad ayaa tiri:sheekhoow dhul Cidla ah ayaan abuurtay oon sifiican u waraabiyey muddo kaddib markii aan is lahaa miraha guro ayaaba gabar meeshan ah igu qabsatay maxaad ka tiri?
Middii labaad aya tiri: sheekhoow aniga oo wadada iska socda ayaan arkay sabuul galleey iyo masaggo dariiqa tuban oo cidina ilaashanayn markaasan ka noolaaday maxaa qalad ah oon galay?
Wadaadki oo sidii caadada u aheyd af labadiis furtay ayaa ku yiri gabadhi koowaad mid baa ku seegtay oo waxey aheyd beerti aad ku daashay abuurkeeda in aad shimbiraha kadhawrato oo aad waraf la ag fadhiso,
Middii kalena wuxuu ku yiri adina mid baa ku seegtay oo waxey aheyd in aadan quudkaada dhan ka dhigan sabuuladda wadada daadsan waxaa kugu filan in waraf laguu qaato oo irida laguu istaago, gabadhayda waxan kuu sheegayaa si aad u noolaato beertaada falo ayuu ku yiri.
Odaygii oo gadaal kasoo qaylinaaya ayaa yiri sheekhoow adna mid baa ku seegtay, masaggadii nadiifka aheyd oo xanshirsaneyd oo aan kuusoo hadiyeeyey ma aheyn in aad laba gabdhood inta u yeerto aad kal iyo mooye u dhiibto aad ku tiraah tuma oo xanshiriya.
Wariyihii wuxuu go'aan ku gaaray barnaamijka inuu joogiyo maadama uu ku waashey meesha.
by ABDIRIZAQ AHMED WAAYEEL