XIKMADA BISHA RAMADAANKA IYO FAA’IIDOOYINKEEDA
QEYBTA 1AAD
W/Q: SAID AHMED WEHLIYE
Bisha
barakeysan ee Ramadaan waa bisha Allah sw uu ku wajibiyay bulshooyinka
muslimiinka in ey gutaan waajibaadka, afxirashada ama soomida loo yaqaano, waa
hab-cibaadeed ka kooban qeybo badan oo kala duwan isla markaana leh xikmad u
gaar ah. Inta aanan u gudbin xikmada Ramadaanka inta Alle inaga fahamsiiyo bal
eynu si guud u eegno sida uu Allah sw u qaabeeyay Ramadaanka. Ramadaanka
afxirashadiisu waa tiirka 3aad ee tiirarka diinta islaamka waana mid ka mid ah
astaamaha ama shacaa’irta ugu waaweyn ee islaamka, Allah sw waxa uu ku yiri
suuratul baqara Aayada 183aad “kuwa iimaanka laga helayoow waxa
la idinku waajibiyay afxirashada Ramadaanka sida loogu waajibiyay dadyowgii
idinka horeeyay, waxaa xaqiiqo ah inaad dhowrsanaan doontaan”. Aayadu
waxa ey is dultaagtay dhowr qodob oo ahmiyad gaar ah inoo leh bilowga Aayada
iyo dhamaadkeeda oo isku xiran marka aad u fiirsato waxaaa kuu soo ifbaxaya
ahmiyada iyo iney lagama maarmaan tahay in la isku xiro bilowga iyo dhamaadka Aayada
marka la dhaqan gelinayo, hadii aan jilciyo, Allah sw waxa uu bilowga Aayada
inoo sheegay isaga oo u dhawaaqaya dadka iimaanka laga helay in uu nugu
waajibiyay afxirashada(soomida) bisha barakeysan ee Ramadaan, kadib waxa uu
raaciyay in afxirashadu eysan inaga nugu koobneyn oo dadyowgii horaba sidaan oo
kale loogu waajibiyay, hase ahaatee ila eeg walalka muslimka ohow, waxa halkani
ka soo baxaya su’aal uu qofku is weydiin karo oo ah .. ilaahoow maxaad afxirashada inoogu
waajibisay? ama muxuu yahay hadafka ka dambeeya ineynu afxirano, soonno?
su’aashani waxa uu Alle uga jawaabay Dhamaadka Aayada isaga oo leh “waxaad mudantihiin ama xaqiiqo ah inaad Alle ka
cabsataan( dhowrsanaataan)” weedha Alle adeegsaday iyo ficilka
carbeed ee uu adeegsaday labadaba waxa ey ina
siinayaan aragti fog iyo faham qoto dheer oo ku saabsan xikmada Alle u
jideeyay(u waajibiyay) afxirashada bisha rammadaaanka.
Erayga (Al-taqwa)
oo kamid ah astaamaha ugu waaweyn ee lugu garto dadka xiriirka dhow la leh Alloohooda, ayuu Alle
u adeegsaday inuu yahay hadafka ka dambeeya afxirashada Ramadaanka, waa arin
ugub ah aadna ahmiyad gaar ah inoogu leh, culimada muslimiintu siyaabo kala
duwan ayey u fasiraan erayga (Al-taqwa) marka loo eego siyaabooyinka kala duwan
ee uu Alle uga hadlay Quraanka, hasa ahaatee waxa su’aal taagan ah, waa maxay taqwo? waa maxaay astaamaha qofka ku sifooba taqwada? Taqwadu waa mowluuc
guda balaaran oo aanan halkani lugu falanqeyn Karin hase ahaatee wexeynu eegi
doonaa inta kala xiriirta afxirashada iyo soomidda bisha Ramadaanka. Marka aan
si guud u eegno taqwada la xiriirta Ramadaanka waxaa kuu soo baxaya in taqwadu
qeyb ka tahay isu dhawaashaha adoonka iyo rabigiisa, dib u habeynta iyo boor ka
jafida xiriirka u dhexeeya Alle iyo adoomadiisa muslimiinta ah, taas oo la
macno ah hadba qof kasta inta uu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay Allihiisa
isaga oo qaadanaya talooyinkiisa ku aadan gudashada waajiaadka iyo habdhaqanada
wanaagsan, sidoo kale isaga oo qaadanaya waanada Allihiisa, waa marka uu ka
fogaanayo waxyaabaha aan ku habooneyn ee ey ka soo gaari karto dhibaato aduun
iyo mid aakhiro, waa marka uu u dhawyahay Alle sw.
Intaa
marka aan isla fahano su’aal aad is weydiineyso ayaa ah, side bey isugu xiranyihiin bilowga Aayada iyo
dhamaadkeeda? ama, waa maxay xiriirka ka
dhexeeya afxirashada Ramadaanka iyo hagaajinta xiriirka Alle?.
Marka
aan yara bidhaamiyo waxaa jira faham khaldan oo eynu in badan ka aaminsanahay
waajibaadka Alle inagu waajibiyo inaga oo aanan helin sharaxaad nugu filan
tusaale ahaan marka aad u fiirsato Ramadaanka iyo bulshooyinka muslimiinta ah
inbadan oo kamid ah, Ramadaanku waxa uu u muuqdaa sida dhaqan ama caado oo kale,
taas oo ey dadku joogteeyaan iyada oo aan la garaneynin xikmada ama sirta ka
dambeysa, taasi waxa ey keentay in ey yaraato saameynta Ramadaanku inagu
leeyahay marka loo eego dhaqan ahaan, hase ahaatee si kasta oo ey tahay waxa
lagama maarmaan ah ineynu fahano xikmada ka dambeysa Ramadaanka iyo xiriirka ka
dhexeeya hagaajinta xiriirka Alle iyo soomida bisha Ramadaan.
No comments:
Post a Comment