RAMADAANKA IYO HAGAAJINTA
NAFSADA
Cibaadada
eynu gudano bisha Ramadaanka waxaa ka mid ah afxirashada ama soomida oo qeyb ka
ah bisha Ramadaan, qof kasta oo muslim ah waa in uu
ka soomaa cunnada, cabitaanka, iyo la gogol-wadaaga lamaanihiisa, laga bilaabo
marka uu dhasho fajarka (waaga subaxeed) ilaa gabalku ka dhacayo.
Afxirashadu waxa ey tilmaan u tahay dhowr waxyaabood, waa marka koobaade in qofka
muslimka ahi ajiibo(isu dhiibo) rabigiiisa, oo uu qaato amarkiisa
isaga oo tixgelinaya oo weyneynaya, waa marka uu cunada iyo cabitaanka uu ka
tago isaga oo weyneynaya(qadarinaya) rabigiisa. Ahmiyada labaad ee ku jirta
afxirashada ama soomida ayaa ah in qofka muslimka ahi qaadanayo tababar Nafsadeed oo lugu
hagaajinayo habdhaqanka iyo suluuga nafsada, sida aan ognahay Nafsada
iyo rabitaanka shaqsiyadeed (Hawada) waa labada ugu dhibka badan ee Aadanaha ka
hor istaaga maslaxadihiisa aduun iyo aakhiro, waxa laga yaabaa qofku inuu la
qabsado waxyaabaha lugu raaxeysto ee xalaasha ah sanadka intiisa kale isla
markaana ey sabab ugu noqoto inuu qofku
ku fogaado waxyaabaha xaaraamta ka ah, Allah sw isaga oo inoo naxariisanaya
waxa uu ina siiyay fursad eynu dib ugu hanan karno hogaanka nolosheena inaga oo
Nafsada cadaadis ku saareyna u hogaansanaanta maslaxadeena, waxaa marag ma
doonto ah in qofka muslimka ah ee si dhab ah u sooma bisha Ramadaanka uu ka
xakameysnaan doono xumaha, munkaraadka, iyo macaasida, sababtoo ah, marba hadii
uu ka tegay cuntada iyo cabitaanka isaga oo ku qadarinaya rabigiisa waxaan
suurto-gal u noqon doonin inuu sameeyo waxyaabo uusan rabbi raali ka aheyn.
Nafsadu waxa ey ku tababarataa cibaadada nuucyadeeda kala duwan
sida,salaadaha,
tahajudka, sadaqa bixinta, aqrinta iyo ku macaansiga Quraanka, usama-falka
muslimiinta, ku boorinta samaha iyo dhamaan waxwalbo oo Allah raali-geliya.
Nafsadu waxa ey ku tababarataa sidoo kale ka joogsiga xumaha iyo
munkaraatka, nuuc kasta oo ey yihiin sida, beenta, khiyaanada, macaasida iyo waxyaabaha aan sharciga
ku banaaneyn marka ey bishu dhamaato qofka muslimka ah waxa uu soo baxaa isaga
oo ka istaagay ama ka sii fogaaday waxwalbo oo wax udhimaya xiriirka ka
dhexeeya asiga iyo rabigiisa, sidoo kale
waxa ey bishu dhamaataa isaga oo aad ugu sii dhawaaday rabigiisa isla markaana
hagaajiyay xiriirka uu la leeyahay Alle sw.
No comments:
Post a Comment