FARMAAJO HALA II GEEYO
Rejo iyo yididiilo shacab
Kadib burburkii
dowladii kacaanka bulshada somaliyed waxaa ragaadiyay dagaalo sokeeye oo ey
debka u shidaan hogaamiye kooxeedyo damiir laaweyaal ah ganacsato dhiiga
shacabka faa’iido ka raadisa iyo shisheeye iyaga isku baabi’iya oo ka dhex
shaqeeya. Shacabka somaliyeed meel walbo oo ey joogaan waxa ey mareen xaaladdo
ad’adag oo aad u xanuun badan dal iyo dibadba hase ahaatee marwalbo waxa ey
ahaayeen shacab aan alle ka quusan oo aan ka rejo dhigin in mar uun ey dib u hantaan
dowlad wanaagsan oo danohooda ka shaqeysa.
Laga soo bilaabo dowladihii laga dhisay soo maaliya kadib burburkii
dowladii dhexe, somalidu waxa ey ku soo
dhaweynayeen dowladaha niyad wanagsan iyo sacabo furan iyaga oo rejeynaya in ey
dib u hantaan waqti la oran jiray berisamaad oo ku asteysnaa nabad gelyo
iyo qabweyni iyo sumcad somalinimo hase
ahaatee dowladihii faraha badnaa ee soo maray dalka mid walbo waxa ey abuuri
jirtay rejo beel iyo quusatiino shacab taa oo keentay in shacabku ka rejo
dhegaan dowladaha la soo dhiso, madaxweyne walbo oo la doorto ma raadiyo
kalsoonida shacabkiisa oo taa bedelkeed beesha caalamka ayuu daba cararaa
sumcadna ka raadiyaa halkii uu la fadhiisan lahaa shacabkiisa oo uu u damqan
lahaa lana qeybsan lahaa murugada iyo farxada halkii uu iyaga danahooda ka
shaqeynlahaa waxa uu maciin bidaa la fadhiisashada ajaanibta iyo raadinta
farxadooda waxa uu iloobaa shacabkiisa daruufeysan waxa uuna ka shaqeystaa
danihiisa khaaska ah.
bulshada somaliyeed waxa ey
aamineen in dowladnimadu tahay goob ganacssi oo kuwa dibadaha ku soo hungooba
ey shaqo usoo raadsadaan dowlad waliba tan ka danbeysa waxaa sii xawaareeyay
musuqmaasuqa, boobida hantida dadweynaha iyo ku takrifalka sharciga waxaa lumay
micnihii dowladnimo waxaa kala fogaaday shacabka iyo dowlada ilaa markii dambe
awooda dowladu isugu soo uruurtay
iney shacabka caburiyaan oo ey
wadooyinka ka xiraan
marka aan intaa aragno waxa marag ma doonto ah in somalidu yihiin
dad jecel dowladnimada nabadgelyada iyo wada noolaashaha marka loo eego
dhaqanka islaamka ee hagaagsan iyo usluubka somalinimo ee dhiigooda ku jira waa
dad shaqsi ahaantooda aan aqoonin kala faquuqa iyo qabyaalada waa dad ilaahey
qalbigooda dhigay naxariis iyo damiir huwan dareen somalinimo laakin su’aashu waxa ey marwalbo eheed eheyd ,
Tolaaye yaa talada inoo haya?.
waxan shaki ku jirin sida ey
shacabka somaliyeed u muujiyeen dareenka dadnimo iyo somalinimo ee ku
wajahan damaashadka farxadeed iyo isusoo
bixii balaarnaa ee lugu soo dhaweynayey
madaxweynaha cusub ee somaliya lugu doortay 8da fabraayo jawi farxadeed oo xamaasadi ku
dheehantahay kaas oo dib inoogu celiyay oo ina xasuusiyay sida jawigu ahaa
lixdamaadkii markii somalidu ka midowday gumeystaha, tani waxa ey daliil u tahay sida somalidu
haraad xoogan ugu qabeen cid shumaca u daarta dareenka dowladnimo jeceyl iyo wada noolaashaho ee dhiigooda ku jira kaas
oo sida ey ila tahay somalidu u arkeen madaxweyne farmaajo inuu yahay cida
kaliya ee la jaanqaadi karta dibna usoo nooleyn karta rajadooda iyo
yididiiladooda dowladnimo in kasta oo
caqabado aad u adagi horyaalaan madaxweyne farmaajo inkasta oo waxa dhici doono
ey ku jirto gacanta alle hadana madaxweyne farmaajo waxa uu ahaa madaxweyne
isku dayay inuu shacabka u dhawaado dareenkooda iyo danohoodana ka
hormariyo danaha kale oraahda “farmaajo hala ii geeyo” oo ka soo
bilaabatay wiil somaliyeed oo dhlinyaro ah oo sida maskaxdiisu u sawiraneysay aan helin cid u damqata ama ka warheysa
xaaladiisa, oraahdaa oo sida an aaminsanahy ka soo burqatay maskaxdiisa kadib
markii uu dareemay in shumacii rejada uu
ku jiro madaxweyne farmaajo gacantiisa
taas oo ey la wadaagaan dhalinyarada tirade badan ee wadooyinka isugu
soo baxday ,
oraahdani iyo taageerida
balaaran ee shacabka u muujiyay madaxweyne farmaajo waxa ey muujineysaa in madaxda dalka soo
martay ku fashilmeen raadinta kalsoonida
shacabka, u damqashadiisa iyo la wadaagida dareenkiisa sidooo kale oraahdani
waxa ey fariin u direysaa cid walbo oo dooneysa mustaqbalka iney shacabka
somaliyeed hogaamiso in ey ogaadaan ahmiyada eey leedahay in shacabka la siiyo
mudnaanta koobaad oo loo shaqeeyo intii laga shaqeysan lahaa
ugu dambeyntii somalidu waxa ey ku maahmaahdaa kor waayeel waa wada
indho guushii madaxweyne farmaajo waxa
ey sumcada u ilaalisay baarlamaanka somaliyeed oo lugu asteeyay iney laaluushqaateyaal
noqondoonaan oo dadka qaar halhees ka
dhigteen hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho taas oo micneheedu ahaa in
aan laga filaneynin xildhibaanadu iney madaxweyne daacad ah doortaan sidoo kale
guushu waxa ey soo celishay kalsoonida
shacabka ey ku qabaan dowladooda waxa bilaabatay wada shaqeyn waa markii lugu baahiyay baraha bulshadu ku xariirto
sawiro muujinaya shacabka oo raacaya gawaarida ciidanka iyo shacabkii iyo
ciidankii oo wada cunteynaya waxaa mar
qura la waayay cabsidii u
dhexeysay shacabka iyo ciidanka. shacabku waa dowlda dowladuna waa shacabka
muuqaalku sida uu noqday kadib doorashadii farmaajo waxa ey daaha ka qaatay
sida madaxweynaha iyo shacabku isaga warhayaan sida uu madaxweyne farmaajo
khudbadihiisa iyo wareysiyadiisa ku dhihi jiray tusaale ahaan “dhibaatadu ma
ahan shacabka ee dhibaatadu waa dowlada” iyo sidoo kale “ anigu waxaan megen u
ahay shacabka” hadaladani oo tusinaya sida shacabku ey daacad ugu yihiin
dowladnimada hadii la helo hogaamiye shacabka u damqanaya.
waxan alle ka baryeynaa inuu
na waafajiyo kheyrka iyo samaha nuguna ilaaliyo wadada toosan ee diinteena
suuban
No comments:
Post a Comment