SOOMIDA RAMADAANKA IYO HAGAAJINTA XIRIIRKA
ALLE
Waxaa
lagama marmaan ah ineynu fahano xiriirka tooska ah ee ka dhaxeeya afxirashada
bisha Ramadaan iyo hagaajinta iyo qurxinta xiriirka kaala dhexeeya Allahaga ku
uumay, sababtoo ah Allah sw waxa uu
sabab uga dhigay afxirashada Ramadaanka in ey inoo horseedi doonto hagaajinta
xiriirka aad Alle la leedahay, sidaa darteed ka mira dhalinta ama xaqiijinta
gudashada waajibka soonka waxa uu ku xiranyahay hadba inta uu hagaagsanaado
xiriirka aad la leedahay Alle sw, tani waxa ey la macno tahay hadii uusan
hagaagsaneyn xiriirka aad Alle la leedahay, tusale ahaan inuu yaryahay isku
xirnaanta dhexdiina ah sida inta jeer ee aad aqrido Quraankiisa si aad ula
sheekeysato Allah sw, iyo inta jeer ee aad Allah amaanto inta jeer ee aad
booqato gurigiisa si aad Allah u xusto una amaanto waa marka ey yartahay inta
jeer ee aad qaadato waanadiisa ku aadan fulinta iyo dhaqan-gelinta talooyinka
ku anfacaya aduun iyo aakhiro iyo sidoo kale qaadashada waanada Alle ee kaa
reebeysa xumaha, munkarka iyo wax walbo oo aan kugu habooneyn. isku soo wada
duuboo wax walbo oo wax u dhimi-kara habsami u socodka xiriirka kaala dhexeeya Allahaaga
sw waa inaad ka fogaataa.
Marka
uusan hagaagsaneyn xiriirka kaala dhexeeya Allahaaga wexey la macno tahay ma
aadan gudanin waajibkii Alle ku saaray ugama aadan soo bixin sidii lagaa
doonayay, sababtoo ah waxaa liita xiriirka Alle kaala dhexeeya, Ramaadankana
waxaa loogu talo galay sida ku xusan Aayada inuu noqdo mid hagaajiya oo boorka
ka jafa xiriirka kaala dhexeeya Allah sw, walalka muslimka ohow waxaa halkaa
kaaga soo muuqanaya Ramadaanku in uusan ku koobneyn cunada iyo biyaha oo laga
afxirto oo qura, Ramadaanku waxa uu
xambaarsanyahay fursado Alle ugu talo galay in muslimiintu dib ugu
hagaajiyaan xiriirka kala dhexeeya khaaliqooda sw. waa inaad ogsoonaataa
markasta oo uu hagaagsanaado xiriirka kaala dhexeya Allah sw waa markasta oo
aad xaqiijisay gudashada waajibka Alle waana markasta oo lagaa aqbalo
afxirashadaada iyo soomidaada bisha barakeysan, taa bedelkeeda markasta oo
aadan dareemin is bedel dhanka hagaagsanaanta ah oo ku yimaada xiriirka aad la
leheed Allah sw ama uu kordho sii xumaashada xiriirka aad Alle la leedahay
waxaad ogaataa waa markasta oo afxirashadaadu eysan leheyn wax macno ah, waana
marka ey u badantahay in aan lagaa aqbalin sidaa darted waxaa ka sugan Nabigeena
muxamad nnkh inuu yiri “ qofkii aan ka tegin hadalada iyo falalka aan habooney ma
jirto wax baahi ah oo uu Alle ka leeyahay inuu ka tago cunnadiisa iyo
cabitaankiisa” waa marka aad
diido qaadashada waanada Alle ee kaa reebeysa waxyaabaha aan kugu habooneyn waa
marka aad fududeysato waanada Alle adiga oo raacaya hawadaada iyo talada
shayaadiinta. Markale ogsoonoow waa in aad ku baraarugsantahay, Ramadaanka
soomidiisa iyo aqbalaadiisu waxa ey ku xiranytahay hadba inta uu hagaagsanaado
xiriirka kaala dhexeeya Allah sw
FURSADAHA RAMADAANKA IYO HAGAAJINTA
XIRIIRKA ALLE
Sida
eynu kor ku soo xusnay Taqwada ama rabi ka cabsigu ama dhowrsanaantu waxa ey
qaadataa dhowr macno oo kala duwan hase ahaatee hadii eynu soo koobno waxa ey
isugu imaaneysaa hagaajinta xiriirka aad la
leedahay rabigaaga, xiriirka aad la leedahay rabigaaga waxa uu
noqdaa labo qeyboo dhaqan-gelinta amarada Alle iyo ka fogaashada
waxyaabaha uu Alle kaa reebay lkn hadii eynu si kale u dhigno luqada,
xiriirku waxa uu ku dhisanyahay 3 qeybood, tan
koobaad, qaadashada
talo bixinta Alle ee la xariirta dhamaan waxyaabaha kugu haboon ee lagaa
doonayo inaad dhaqan geliso si aad u hesho liibaan aduun iyo mid aakharo Tan
labaad: qaadashada
waanada Alle ee la xariirta ka
waansamida iyo ka fogaashada dhamaan waxyaabaha uu Alle kaa reebay ee aan kugu
habooneyn isla markaana kuu horseedi kara dhibaato aduun iyo mid aakharo. Tan 3aad: bulaaleynta iyo hagaajinta xiriirka kaala
dhexeeya Alle sw sida ku
xirnaashadaada, booqashada guriga Alle, iyo aqrinta iyo ku camal falka
fariimaha Alle.
Waxa
eynu is weydiineynaa, sidee ayuu Ramadaanku inoogu noqon karaa
fursad eynu ku hagaajino xiriirka aan Alle la leenahay?
Si
guud nolosheenu waa mid ka sameysan kadeed iyo howlo aduun oo aan dhamaad
leheyn, nolosheenu waa mid ku dhisan imtixaan aan kala go’ leheyn oo siyaabo
kala duwan noo soo wajaha maalin walbo, sidoo kale dunidu ma aha goob lugu
negaado oo waa ku meel gaar inta eynu uga rawaxeyno daarta aakhiro, hase
ahaatee marka eynu nahay bulsho muslimiin ah oo ku baraarugsan imtixaanka
dunida isla markaana u hanqaltaageysa ka faa’iideysiga waqtiga yar ee eynu
noolnahay. si aan u hagaajino xiriirka aan Alle la leenahay kaas oo inoo suurtagelin
doono inaan qiyaamaha ku naaloono farxad iyo damaashaad, waa marka aan marti u
noqono Allah sw oo shalay eynu dunida ku leheyn xiriir wanaagsan oo qurux badan.
Hadaba
marka eynu fahano ahmiyada hagajinta xiriirka aan Alle
la leenahay waxaa caqabad inugu noqon-doono nolosha iyo gadgadoonkeeda iyo
daruufaha casriyada la socdo, waxaa laga yaabaa in daruufo iyo mashaakil
nololeed oo nala soo gudboonaada ey
mararka qaar sababaan wiiqida xiriirka aan Alle la leenahay iyada oo laga yaabo
in aan ka mashquulno aqrinta Quraanka, booqashada guriga Alle, xusida iyo
amaanta Alle iyo gudashada waajibaadkiisa, sidaa darteed waqti ka waqti
wexeynu u baahanahay inaan dib isu soo haabano oo eynu dib u hagaajinno
xiriirka aan la leenahay Alle sw, arintani waxa ey ka dhigantahay nuqsaanta iyo
siyaadada iimaanka sida culimada muslimiintu falanqeeyaan, iimaanku waxa uu ku siyaadaa daacada Alle waxa uuna ku
nusqaamaa macaasida iyo amardiidada Alle.
Waxaa
jira fursado badan oo uu Alle siiyo umada muslimiinta ah si ey dib ugu
hagaajiyaan xiriirka ey la leeyihiin Allohooda, fursadahaasi waxaa ka mid ah
bisha barakeysan ee Ramadaanka si guud.
No comments:
Post a Comment