Monday, May 29, 2017

LEYLATUL QADRIGA IYO FURSADA KU JIRTA

LEYLATUL QADRIGA IYO FURSADA KU JIRTA
Bisha Ramadaan waxaa ku jira habeen loogu magic-daray (Leylatul-Qadri) suurada 97aad ee Alqadri, Alla waxa uu ku furfurtay habeenka qadriga isaga oo leh “Annaga ayaa soo dejinay Quraanka habeenka leylatul-qadriga(habeenka sharafta leh”, durbadiiba Alla waxa uu soo rogay su’aal weydiin isaga oo leh, hooyaay “miyaad taqaanaa habeenka qadriga” su’aasha kadib waxa uu horay ka raaciyay jawaabta, waxa uuna yiri. “Habeenka qadriga waa habeen ka kheyr badan, faa’iido iyo miro dhal badan kun bilood, waxaa habeenkaa soo daadega malaa’igta iyo ruuxda (malakul-jibriil) iyaga oo ku dheehan fasaxa Alle dhinac walbo, habeenkaasi wa mid nabad-gelyo iyo baraaro leh ilaa uu waaga subaxeed ka bidhaamayo”. Allah sw waxa uu tilmaamay in uu habeenka qadriga uu yahay mid ka kheyr badan kun bilood, taas oo la macno ah hadii aad habeenkaa ku dadaasho cibaadada waxa aad la mid tahay qof kun bilood iyo in ka badan cibaadeystay,  sida uu Alle yiri isaga oo adeegsaday erayga (kheyrun) oo ah waa mid ka miro dhal badan kun bilood, hadaba eynu eegno xikmada ku jirta in habeenka qadrigu yahay mid ka kheyr badanyahay kun bilood.
Sida aan ogsoonnahay dunidu waa goob loogu talo galay in Aadanaha lugu jaribo(imtixaano) si loo eego hadii uu camal wanaagsan la imaanayo iyo hadii uu rabitaankiisa shaqsiyadeed (hawadiisa) iyo nafadiisa raacayo, Alle sw waxa uu Aadanaha siiyay garasho iyo faham waxa uuna u kala bidhaamiyay wadada saxda ah iyo tan qaloocan si Aadanahu u helo fursad uu ku guuleysan karo waa hadii uu wadada saxda ah doortee, Allah sw waxa uu adoomadiisa u balan qaaday Jano balaceedu yahay sida samooyinka iyo dhulka taas oo laga helo waxwalbo oo Nafsada bini’aadamku jeceshahay waase hadii aad ku guuleysato imtixaanka dunida.
Sida ku cad Quraanka iyo sunnada Nabigeena nnkh, Janada waa mid leh darajooyin(heerar) kala duwan, waxa uuna Alle ku booriyay Adoomdiisa in ey u tartamaan qeybaha sare ee Janada. Allah sw mar uu ka sheekeeyay Janada iyo barwaaqada ka dhex buuxda waxa uu ku soo gebagebeeyaya, “midkaas ha u tartameen kuwa tartamaya” waa Aayada 26 ee suurada Al-Mutafifin.
waxa inoo soo muuqanaya fursad lagu tartami karo si loo helo Janada daareheeda qeybaha ugu sareeya uguna sharafta iyo barwaaqada badan, hase ahaatee marka loo eego umada Nabi Muxamad nnkh, taas oo da’ ahaan aad uga hooseysa umadihii horo, ma  heli doonto waqtiga fiican ee ey umadihii horo qaateen si ey ula yimaadaan cibaado farabadan oo buuxisa miizaankooda, marka aan is weydiino da’deena oo yar darted side Ayaan u heli karnaa Janada qeybeheeda ugu sareeya? oo side baan ula tartami kareynaa umadihii innaga cumriga dheeraa? waxaa jiro fursado badan oo eynu ka faa’iideysan karno si eynu u guuleysano. Fursadahaasi waxaa ka mid ah ka miradhalinta habeenka qadriga iyo nooleyntiisa, eynu eegno habeenkaani qadarka uu la egyahay,
Habeenka qadriga waxa uu ka kheyr badan yahay kun bilood, eynu falanqeyno inaga oo is barbar dhig ku sameyneyna habeenka qadriga iyo kun bilood cibaadada lala yimaado
1000  BIL = 82 SANO
Celcelis ahaan da’da umada Nabi muxammad scw waa 60 ilaa 70 sano, marka laga jaro waqtiga caruurnimada iyo weliba dhalinyaranimada waxa ey noqoneysaa 70-20 = 50 sano.
Marka aad 50 sano ku dhifato 83 sano oo u dhiganta habeenka qadriga ah ee soo noqnoqota bisha Ramadaan waxa ey la mid noqoneysaa 50*83= 4,150 Afar kun boqol iyo konton  sanadood!!!!!
Marka aad 50 sano ku qaadato cibaado adiga oo ka faaiideysanaya habeenka leylatul qadriga ah waxaad la mid tahay qof qaatay nolosha 4,150 sano oo cibaado ah taas oo lagu daray 50ka sano ee aad nooshahay wadartoodu waxa ey noqoneysaa 4,200 Afar kun iyo labo boqol oo sano. Hadaba u fiirso walalka muslimka ohoow faa’iidada ku sugan habeenka leylatul qadriga oo la cibaadeysto waxa aad fursad u heli doontaa ka guul gaarida iyo hanashada daaraha sare ee Janada adiga oo baasi doona dadyowgii hore oo lugu sheegay in ey ahaayeen dad ku raaga nolosha oo waqtiyo fog nool, tusaale ahaan qowmkii Nabi Nuux nnkh waxaa la sheegaa in ey noolaan jireen waqtiyo dhaadheer sida ku cad Quraanka, suurada Cankabuut Aayada 14aad oo tilmaameysa in nabu Nuux uu dacwada diinta ka dhex faafinayay tolkiisa mudo kun sano ah marka laga reebo 50 sano.

No comments:

Post a Comment