RAMADAANKU WAA BISHA QURAANKA
Quraanku
waxa uu soo degay bisha Ramadaanka sida uu Alle ku qeexay Aayadaha 185 ee
suurada Al-baqara, Aayada 3 ee suurada Al-dukhan iyo aayada 1aad ee suurada
Al-qadri. Ramadaanku waxa uu fursad inoo siinayaa in aan dib u habeyno xiriirka
aan la leenahay Alle sw inaga oo
booqaneeyna waqtina ku qaadaneyna (ku ictikaafeyna ama ku negaaneyna) guriga Alle
sw sida uu Alle ku tilmaamay Aayada 187aad ee
suurada Al-baqara. Waxaan waqti fiican la qaadan doonnaa Quraanka inaga oo
aqrineyna kuna bogaadsaneyna dhadhanka suuban ee nafsada u roon iyo micaha gudo
balaaran ee uu xambaarsanyahay, waxa ey ka dhigantahay inaga oo dhegeysaneyna
ilaahey hadalkiisa ama aqrineyna fariinta uu Alle inoo soo diray weliba inaga
oo joogna Allah gurigiisa, waa boqorka boqorada waa abuuraha koonka balaaran ee
eynu aragno waa naxariistaha cadaalada badan, tol beelaye masjidka yaan la
iigaga hormarin aan dhurto dhadhanka suuban, aan dhegeysto Quraanka qalbiga u
roon aan dareemo farxad iyo reynreyn, marba hadii aan gurigii Alle joogo oo aan
si fudud u aqrisanayo fariimihiisa ama aan dhegeysanayo mid kamid ah qurraa’da
quraanka isaga oo ku aqrinaya fariinta Alle
cod dhegaha u roon, Alla nasiib badaniyaa!!!! Alla nasiib badanaa qofkii
fursadaa hela!!!
Jawiga
farxada, kalsoonida iyo reynreyntu ku dheehantahay ee guriga ilaahey, waxaa ii
sii dheer balanqaadyada, bishaarooyinka, barakada, iyo naxariista, is daba
socdo ee aan ka dhex helayo fariimaha Alle sw waa Quraankee,
Quraanku
waa fariin xaga Alle inooga timid oo qoraal ah, waana wadada kaliya ee aan ku
hagaajin karno xiriirka inoo dhexeeya anaga iyo Alleheena sababtoo ah Alle sw
markii uu Aadam iyo caruurtiisa ka soo ceyriyay Janada ee ey ku soo hoobteen
dhulka, Alle sw waxa uu kula --taliyay aadam caruurtiisa in hadii ey u
yimaadaan fariin wadayaal ama rusul ka qisoonaaya Allah sw Aayadihiisa ama
xambaarsan hanuunka Alle cidii raacda in eysan lumi doonin kana badbaadi doonto
kadeed aduun iyo mid aakharo intaba.
Hadaba
si eynu u hagaajino xiriirka Alle waxaa lagama maarmaan ah ineynu si qoto dheer u aqrino fariinta inooga timid xaga Alle,
si eynu isu dul taagno qaababka aan Allah ku wada xariiri karno, annaga oo
qaadan doonno talooyinka iyo waanada Alle eek u xusan Quraanka kariimka.
Sidaa
awgeed bisha Ramadaanku waxa ey fursad inoo siineysaa ineynu furno kitaabka Alle
kadibna si degan u aqrino si aan u hagaajinno xiriirka aan Alle la leenahay,
inkasta oo aqrinta iyo ku camal-falka Quraanku ku koobneyn bisha Ramadaan oo
kaliya hadana bishani waxa ey na siineysaa fursad dahabi ah sababto ah waxaa
xiran shayaadiinta baadiyeeya dadka
No comments:
Post a Comment