Monday, May 29, 2017

KHEYRE MA KASBAN DOONAA KALSOONIDA SHACABKA SIDA FARMAAJO OO KALE

KHEYRE MA KASBAN DOONAA KALSOONIDA SHACABKA SIDA FARMAAJO OO KALE
sida eynu wada ognahay shacabka somaliyeed waxa ey kalsooni balaaran siiyeeen madaxweyne farmaajo, hal heesku waxa uu ahaa musharaxa shacabka waa farmaajo iyada oo ey jireen musharaxiin kale oo saaxada soomaliya ku lahaa maqaam sare marka loo eego dadaalladoodi ku aadanaa ka qeyb qaadashada dib u dhisida nidaamka dowladnimo ee somaliya hase ahaatee innaga oo aan ku dheeraan doonnin sababaha ey shacabku ku jeclaadeen madaxwyne farmaajo marka eynu dib ugu laabano waqtigii uu ahaa reyzulwazaaraha dalka ,waxaa ka mid ah  hagaajinta hanaanka cadaalada iyo sinnaanta, xukuumad tayo iyo is la xisaabtan leh, dhaqaaleynta kheyraadka yar ee ey laheyd dowladii xiligaa jirtay, kasbashada shacabka iyo la qeybsashada xanuunandiisa, dib u habeynta iyo dhiira-gelinta ciidanka qalabka- sida. intaa iyo in ka badan oo uu madaxweyne farmaajo ku kasbaday shacabka markii uu reyzul-wazaare ka ahaa dalka waxa ey soo jiiteen shacabka soomaliyeed oo u arkayay in madaxweyne farmaajo uu ahaa muwaadin daacad u ah bulshada una adeegaya si hufniini ku jirto dareenka shacabku waxa uu balaartay markii ey xukuumadihii ka dambeeyay la soo shirtagi waayeen himiladii shacabka ee ku aadanaa dowlada iyo habsami u socoshadeeda waxa ey bulshadu u arkayeen in eysan jirin cid iyaga u hiilineysa ama danohooda ka shaqeyneysa, waxaa kala fogaaday shacabka iyo dowlada.  intaa ka dib farmaajo waxa uu bulshada ugu muuqday inuu yahay musharaxooda hase ahaatee aan jaanis loo siinin inuu u shaqeeyo kadib doorashooyin iyo kaambeyno fara badan waxa xilka madaxweynaha dalka ku guuleystay madaxweyne farmaajo isaga oo raizul wazaare u magacaabay mudane xasan cali kheyre baarlabaankuna si aqlabiyad le ku siiyeen kalsoonidooda hadaba su’aasha taagan ayaa ah kheyre ma noqon doonaa farmaajo labaad
Waxa dhici doona iyo sida wax noqon doonaan waxa og allah sw hase ahaatee khubarada u dhuun daloola siyaasada dalka ayaa sheega in xukuumadaha fadhiidka ah ee dalka soo maray ey qaadanayaan mas’uuliyada hori-u socod la’aanta ah maadama eysan dhaqan gelin balamada ey qaadaan oo eysan tixgelin siinin dhaqaajinta dowlada, waxa lagu eedeeyaa madaxda dalka soo martay in ey dadaal u galaan sidii ey danohooda ku meel marin lahaayeen halka ey danaha guud ku dadaali lahaayeen  iyo sidii ey dib ugu soo noqon lahaayeen kursiga hase ahaatee sida aan aaminsanahay waxa jiro caqabado adag oo hadba la soo gudboonaada madaxda dalka haba ugu horeeyaan caqabadaha, qabyaalda, qolaqolada iyo boobka hantida dad weynaha  kuwaa oo ragaadiyay horumarka dowladaha somaliya laga aasaaso xukuumad walbo marka uu waqtigeedu idlaanayo wexeynu maqalnaa ciidanku intaa oo bilood ma uusan helin xuquuqdiisi sidoo kale shaqaalaha dowladu mushaar ma helin mudadaas. taasi ayaa eheyd fariin loo dirayo ciidanka dowladu in ey ku qamaamaan shacabka lana baxaan wixi ku jira jeebabkooda hantidoodana dhacaan sidoo kale waxaa fariin taa la mid ah loo diraa shaqaalaha hey’adaha dowliga ah nuuc walbo oo ey yihiin in ey laaluush iyo is daba maryeyn la magic baxay dhacdhac ku qaataan shaqadooda si ey noloshooda ugu dabaraan maadaama eysan mushaar helin mudo bilooyin ama sanado ku dhow ah.
Waxa eynu is weydiin karnaa meeye lacagtii loogu talo galay ciidanka iyo shaqaalaha dowlada?
 meeye miisaaniyadii dowlada ee  baarlabaanku meel mariyay tolow yaa jeebka ku ritay?
Sida aan aaminsanahy caqabada ugu weyn ee madaxda somalida hortaagnaa ayaa ah la xisaabtan la’aan baahsan oo ka dhex jirta hey’adaha ugu waaweyn ee dalka taas o keentay in madaxda indhohoodu arkaan kursiga ey ku fadhiyaan iyaga oo aan milicsaneynin waajibaadka ku hareereysan .
Madaxweyne farmaajo waxa uu ka badbaaday labo xarig oo dabin u noqon lahaa hadii uu soo maro, waa marka koobaad xariga qabiilka oo somalidu madaxdeeda kaga hor istaagaan danaha guud iyo u dhaqaaqooda
Sidoo kale farmaajo waxa uu ka tanaasulay qorshaha hantI uruursiga iyo ku tamashleynta kursiga madaxtinimo iyada oo hareerihiisa shacabku ku ruux baxayaan taa bedelkeeda waxa uu farmaajo isku dayay in uu dhexdhexaadnimo ugu shaqeeyo shacabka isaga oo la qeybsanaya xaaladaha ey ku sugnaayeen sidoo kaLe farmaajo intii uu mansabka dowladnimo ku faani lahaa oo uu ku tuman lahaa hantida dowlada haba noqoto raacida dayuuradaha khaaska ah ee ey madaxdu raacaan waxa uu ka doorbiday in uu shacabka dayuuradaha shibilka ah  la raaco una muujiyo in uu la laxawsanayo lana wadaagayo xaaladaha adage e ey marayaan
Ka xuroobida qorsha qabiileedka, ka hor istaaga madaxda dalka u dhaqaaqida danaha guud ee ku soo kooba dano gaar ahaaneed, hamiga siyaasadeed ee garaadxumidu ku dheehantahy ee uun ku saleysan dib hala ii doorto aniga oo aan waxba qaban iyo ku takri-falka hantida shacabka si dan gaar ah loo gaaro waa caqabadaha ugu waaweyn ee uu madaxweyne farmaajo ka badbaaday xiligii uu reyzul-wazaaraha ahaa waana tan uu ku kasbaday shacabka soomaalieeyd. si taa lamid ah hadii eynu eegno reyzul-wazaaraha cusub xasan cali kheyre ayaa isna sidaas oo kale fursad u heli doona ka dhabeynta rejada shacabka waa hadii uu si qoto dheer ugu fiirsado una digtoonaado.
Waa marka koobaade kheyre waa aqoonyaha khibrad fog u leh maamulka iyo maareynta lana soo shaqeeyay hey’ado waaweyn marka loo eego mansibka uu taagnaa marka la magacaabayay waa nin aan u baahi qabin hantida shacabka marka loo eego hantidiisa, sidoo kale kheyre waxa uu ka nabad-galay jilba xirka qabiilka oo aan uga jeedo in qabiiladu soo gudbiyaan cida loo magacaabayo xika sare iyaga oo ku soo xira shuruudo ad-adag hadaba sida  innagu maqaal ah, kheyre waxa si iskiis ah u soo magacaawday madaxweyne farmaajo oo kuma uusan imaanin soo gudbinta iyo ka raali noqoshada beesha uu ka dhashay.
Ka xuroobid qabiilka iyo soo gudbintooda iyo sidoo kale ka xuroobida hamiga hanti-uruursiga oo lagaba yaabo in musharaxiinta qaarkood la siiyo lacago deyn ah si ey campeynada u galaan waa labo arin oo ahmiyad gaar ah u leh wada shaqeynta madaxda sare iyo shacabka iyo in madaxu u dabacsanaato shacabka dadaalna u gasho sidii ey kalsoonida shacabka u kasban lahaayeen  
Su’aasha ah xasan kheyre ma kasban doonaa kalsoonida shacabka sida farmaajo oo kale, jawaabteedu waa haa,
 xasan cali kheyre waxa uu noqon doonaa farmaajo labaad oo aan uga jeedo waxa uu heli doonaa kalsoonida iyo rabitaanka shacabka waa haddii uu ka faa’iideysto fursadaha qaaliga ah ee uu heysto
Waa hadii uu ahmiyada koobaad siiyo shacabka iyo daryeelkiisa
Waa hadii uu si dhab ah ugu shaqeeyo shacabka ulana xisaabtamo xukuumadiisa
Waa hadii ey si wanaagsan u wada shaqeeyaan isaga iyo madaxweynaha
Waa hadii uu ka tanaasulo hamiga hanta-uruursiga


No comments:

Post a Comment